Home Wararka Maanta Maamulka Guriceel oo soo bandhigay ninkii dilka ka gaystay magaalada

Maamulka Guriceel oo soo bandhigay ninkii dilka ka gaystay magaalada

by Laacib

Maamulka Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa maanta degmadaasi ku soo bandhigay nin dhallinyaro ah, kaas oo la sheegay in uu ka dambeeyay dilkii habeenkii Khamiista ee degmadaasi loogu gaystay Cabdullaahi Cali Huudey, oo la dhashay Taliyaha Saldhigga Booliska Guriceel, Cismaan Cali Huudey.

Ninkan ayaa fiidnimadii xalay laga soo qabtay dhulka miyiga ee gobolka, iyadoona soo qabashadiisa ay gacan ka gaysteen Odayaasha Dhaqanka ee deegaanka.

Gudoomiyaha Degmada Guriceel, Faarax Cabdi Macalin oo ka hadlay goobta lagu soo bandhigay ninkaasi ayaa sheegay, ka dib markii uu dilku dhacay in ay qaadeen tallaabooyin lagu baadigoobayo dembiilaha, ugu dambaynta ay ku guuleysteen inay ka soo qabtaan deegaanada fogfog ee miyiga.

“Wixii dhacay waxay ahaayeen wax aad u foolxun.” Ayuu yiri Gudoomiyaha oo intaasi ku daray “Waxaan rabnaa bulshada dhammaantood inaan u caddayno gacan ku dhiiglihii falka gaystay waad u jeeddaan, Ilaahay baana nagu guuleeyo, isagaana ku mahadsan.”

Gudoomiyaha ayaa yiri “Waxaan rabnaa tani inay noqoto tii u dambeysay ee fal noocaan oo kale ah ama isku day noocaan oo kale ah uu ka dhaco Guriceel, Ilaahay idinkiis.”

Gudoomiyaha Degmada Guriceel ayaa sheegay inaanay ka hari doonin cid kasta oo qalqal amni ka gaysata magaalada.

“Bulshada waxaan rabaa inaan u caddeeyo qof kasta oo isku dayo inuu deegaankan qalqalgeliyo kama harayno, kamana hari doono.” Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Gudoomiyaha ayaa ugu dambayn sheegay in wixii hadda ka dambeeyo ay wax ka bedeli doonaan xaaladda amni ee magaalada, iyagoo markaasi wax ka qabanaya dhacdooyinka muddooyinkii ugu dambeysay ka soo cusboonaaday magaaladaasi.

Eedeysanaha ayaa lagu wadaa in la horgeeyo sharciga, si loo waafajiyo caddaaladda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc