Home Wararka Caalamka Maamulka Israel iyo qoysaska la haysteyaasha oo ay ka dhex tolan tahay

Maamulka Israel iyo qoysaska la haysteyaasha oo ay ka dhex tolan tahay

by Laacib

Maamulka Israel ayaa caqabad aan la iska indha-tiri karin waxa uu u arkaa bannaanbaxyada ay dhigayaan qoysaska iyo ehelada in ka badan 200 oo Israeliyiin ah oo lagu haysto Marinka Gaza, kuwaa oo Xoogaga Xamaas ay ku qafaasheen weerarkii 7-dii October.

Qoysaska iyo ehelada la haysteyaasha ayaa labadii maalmood ee ugu dambeysay dib u bilaabay in ay ku hor bannaanbaxaan xafiisyada iyo xarumaha maamulka, iyagoona dalbanaya in si nabdoon guryahooda loogu soo celiyo la haysteyaasha.

Dadka bannaanbaxa dhigaya ayaa Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Golihiisa Wasiirada ku eedeeyay in markii hore ay dayaceen amniga la haysteyaasha, xilligii la qafaalanayay, haddana aysan wax gorgortan ah ka galeynin, sidii dadkaasi dib loogu soo celin lahaa guryahooda, isla-markaana ay khatar gelinayaan noloshooda, bacdamaa uu maamulku kordhiyay hawlgaladiisa Gaza. Dadkan ayaa dalbaday in maamulku uu joojiyo duqaymaha baahsan ee Marinka Gaza.

Waxa dadkan walaaca ku kordhiyay ayaa ah, iyadoo Ururka Xamaas uu sheegay in dad hor leh oo ka tirsan maxaabiista ay ku dhinteen weerarada sii kordhaya ee Israel ka waddo Gaza, tirada dhimashada ee la haysteyaashana ay gaartay 50 qof. Qoysaska la haysteyaasha ayaa dalbaday in maamulku uu sameeyo maxaabiis is weydaarsi, si Israeliyiinta la haysto oo tiradoodu ay gaareyso 229 qof ay si nabada ugu soo laabtaan guryahooda.

Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa goor dambe oo xalay ahayd la kulmay guddi ay iska soo xuleen qoysaska iyo ehelada la haysteyaasha, ka dib markii ay ku hanjabeen inay bilaabayaan mudaaharaadyo waaweyn, oo dadkuna ay ugu baaqi doonaan in waddooyinka magaalooyinka isugu soo baxaan, si loo helo cid damaanad qaadda in la haysteyaasha aanay waxyeelo ka soo gaari doonin duqaymaha hawada iyo hawlgalka dhulka ee laga sameynayo Gaza.

Raysal Wasaaraha ayaa xubnaha guddiga ugu laab qaboojiyay in ay samayn doonaan wax kasta oo suurtagal ah, si dadkaasi ay guryahooda ugu soo laabtaan.

“Waxaan samayn doonnaa wax kasta oo suurtagal ah, si aan guryahooda ugu soo celino.” Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu ku sheegay muuqaal uu xafiiskiisu baahiyay.

Raysal Wasaaraha ayaa tilmaamay in hawlgalka dhulka ee Gaza uu muhiimaddiisu yahay, sidii loogu soo samatabixin lahaa la haysteyaasha, haddana uu fahmi karo cabashada qoysaska maxaabiista.

Qoysaska la haysteyaasha ayaa waqti siinaya maamulka, iyagoona eegaya tallaabada uu qaadi doono, ka hor inta aanay bilaabin dibadbaxyada ay ku hanjabeen.

Hoggaamiyaha Ururka Xamaas ee Marinka Gaza, Yahya Sinwar ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin inay sii daayaan maxaabiista Israeliyiinta, waa haddii Israel ay oodda ka qaadeyso dhammaan maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran xabsiyadeeda.

“Waxaan diyaar u nahay inaan sameyno heshiis is dhaafsi degdeg ah oo ay ku jiraan sii deynta dhammaan maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee ku xiran xabsiyada Israel, si loogu bedelo dhammaan maxaabiista ay hayaan xoogaga wax iska caabinta ee Falastiin.” Ayuu yiri Yahya Sinwar.

Kumanaan Falastiiniyiin ah ayaa ku xiran 19 xabsi oo ku yaala Israel iyo mid kale oo ku yaala Daanta Galbeed ee la haysto.

Haddii labada dhinac ay haatan sameeyaan heshiis maxaabiis is dhaafsi ah ayaa wuxuu noqon doonnaa heshiiskii ugu weynaa ee maxaabiis is weydaarsi ah ee dhinacyadaasi dhex mara.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc