Home Wararka Maanta Maamulka Israel oo markan u dhaqmay si aan looga baran

Maamulka Israel oo markan u dhaqmay si aan looga baran

by Laacib

Israel oo ka fogaaneysa inaanay dunida ka go’doomin ayaa Jimcihii soo saartay natiijada baaritaankii dilka ay militarigeeda Isniintii u gaysteen toddobo ka mid ah Shaqaalaha Hay’adda World Central Kitchen.

Taliska Militariga Israel oo dhacdadaasi ku tilmaamay mid masiibo ah ayaa qirtay in ciidamadooda ay ka dambeeyeen dilka shaqaalahaasi, iyagoona sheegay in shaqada laga eryay laba sarkaal, saddex kalena lagu canaantay doorkii ay ku lahaayeen duqaynta lagu dilay shaqaalaha gargaarka ee dadaalada naf badbaadinta u joogay Marinka Gaza.

Natiijada baaritaankan ayaa ahayd mid aan caadi ahayn oo si degdeg ah loo soo saaray, maadaama aan Israel looga baran inay horey u ciqaabto askarteeda ku lugta leh dhacdooyinka argagaxa leh amaba dilalka aan kala sooca lahayn ee ay u gaysanayaan dadka rayidka ah.

Baaritaanada noocaan oo kale ah ayaa sida Israel looga bartay ahaa kuwo gaabis ah, kiisaskana ay ku soo dhammaan jireen, iyada oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin askarta, iskaba daa in la ciqaabo’e.

Hay’adaha Xuquuqul Insaanka ayaa in muddo ah ka cabanayay in Ciidamada Israel ay ku shaqeeyaan xaalad ciqaab la’aan ah, eedeymahaas oo militariguna uu diiday.

Duqaynta ay Ciidamada Israel sida naxariis darrada ah ugu dileen Shaqaalaha Hay’adda World Central Kitchen ayaa dunida ka dhaliyay carro xoog leh.

Israel ayaa hoggaamiyeyaasha caalamka, gaar ahaan kuwa reer galbeedka kala kulantay cambaareyn xoogan, waana xilli ay muddo dheer carqaladeynaysay gurmadka bani’aadantinimo ee aadka loogu baahan yahay.

Ka dib weerarkii ugu dhimashada badnaa ee shaqaalahaasi loo gaystay ayaa waxaa soo baxay walaac caalami ah, oo laga muujiyay in uu istaago gargaarkii yaraa ee la gaynayay dhulka go’doonsan, taas oo dalal uu ka mid yahay Mareykanka ku riixday in ay Israel ugu hanjabaan inaanay sii taageeri doonin, illaa iyo inta ay wax ka qabaneyso xaaladda bani’aadantinimo ee Gaza.

Ciidamada Israel ayaa Gaza ka gaystay dhacdaba midda kale ay ka daran tahay, muddada lixda bilood ah ee ay gudaha ugu jiraan Marinka Gaza, balse weerarkii Shaqaalaha World Central Kitchen ayaa sahlay in dunidu ay indhaha ku kala qaaddo dembiyada foosha xun ee ka dhacaya Gaza, cadowtinimada fog ee ay Ciidamada Israel & maamulkoodaba u qabaan shacabka Falastiiniyiinta iyo cid kastoo kaalmeynaysa.

Afhayeenka Militariga Israel, Daniel Hagari oo Jimcihii Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hadda ka dib ay ka fogaan doonaan weerar midkaasi oo kale ah.

“Waa masiibo, waana dhacdo halis ah oo aan masuul ka nahay, mana ahayn inay dhacdo, waxaana hubin doonnaa in aanay mar dambe dhicin mid la mid ah.” Ayuu yiri Daniel Hagari.

Qirashadan uu Hagari qudhiisu ka dhawaajiyay ayaa ah nooc qirasho oo aan horey looga baran Tel Aviv iyo ciidamadeedaba.

Hoggaamiyeyaasa gobolka & kuwa caalamka iyo Ururada Xuquuqul Insaanka ayaa si joogto ah Ciidamada Israel ugu eedeeya inay gaysanayaan ciqaab wadareedyo ka dhan ah dadka rayidka ah, marka ay noqoto dilka iyo gaajeysiinta ay muddada dheer ku hayeen.

Warbaahinta caalamiga ah qaybteed ayaa in muddo ah qoreysay in gulufka Israel ee Gaza aanu ahayn mid ay ku bartilmaameedsaneyso kooxaha wax iska caabinta oo keliya, balse ay xitaa ku dhibaateynayso dadka rayidka ah.

Xafiiska Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa xulafadooda reer galbeedka u sheegay in ay haatan hagaajinayaan xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta Gaza.

Mareykanka oo ah dalka ugu weyn ee Israel taageera ayaa soo dhaweeyay war goor sii horreysay ka soo yeeray Israel, oo ay ku sheegeysay in ay fureyso waddooyin cusub oo gargaarka bani’aadantinimo loo soo marsiiyo dadka reer Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc