Home Wararka Maanta Macluumaad la xiriira: Booqashada uu Taliyaha Sirdoonka Turkiga ku yimid Muqdisho

Macluumaad la xiriira: Booqashada uu Taliyaha Sirdoonka Turkiga ku yimid Muqdisho

by Laacib

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka & Nabad Sugidda Turkiga (MIT), Ibrahim Kalin ayaa Talaadadii booqasho aan horey looga sii warqabin ku yimid Magaalada Muqdisho.

Agaasimaha ayaa Madaxtooyada Qaranka kula kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, la dagaalanka argagixisada, xoojinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.

“Madaxweynaha ayaa muujiyay in doorka Turkiga ee taageerada amniga iyo xasilloonida Somaliya uu muhiim u yahay dowladnimadeenna.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa goobjoog ka ahaa kulanka, waxaana warsaxaafadeedka lagu sheegay in kulanka uu ka tarjumayo, sida Somaliya iyo Turkiga ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal ee iskaashiga arrimaha amniga, difaaca iyo la dagaalanka argagixisada.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in kulanka uu daarnaa iskaashiga istiraatiijiyadeed ee Turkiga iyo Somaliya ee dhinacyada muhiimka u ah labada dal, sida amniga, sirdoonka, dadaalada wadajirka ah ee ka hortagga argagixisada iyo horumarinta xasilloonida Geeska Afrika.

Labada dal ayaa 8-dii bishii February kala saxiixday heshiis la xiriira iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha, kaas oo Somaliya looga caawinayo ilaalinta xeebaheeda iyo dib-u-dhiska Ciidanka Badda, iyadoo heshiisku uu socon doono muddo 10 sano ah.

Turkiga ayaa Somaliya ku leh saldhigga ugu weyn ee uu ku leeyahay meel ka baxsan dalkiisa, waana Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Turksom oo ku yaala duleedka Magaalada Muqdisho. Saldhiggan ayaa awood u leh in halmar lagu tababaro kun iyo shan boqol oo askari. Turksom ayaa horey loogu tababaray shan kun oo askari oo u badan Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka. Saldhiggan ayaa sanad kasta soo saara Saraakiil, Saraakiil Xigeeno iyo ciidan oo ka qayb qaata hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.

Turkiga ayaa ah dalka labaad ee Somaliya ka taageera hawlgalada dhinaca cirka ee lagu la dagaalamayo maleeshiyada Al Shabaab, marka laga soo taggo Mareykanka.

Ankara oo Muqdisho ku leh xarunta safaaradeed ee tan ugu weyn ay caalamka ku leedahay ayaa sidoo kale Villa Somalia ka taageerta xoojinta dowladnimada, caafimaadka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, iyadoona Turkiga uu horey Somaliya u siiyay kaalmo bani’aadantinimo oo aad u ballaaran.

Xiriirka labada dal ayaa aad u xoogeysanayay dhowr iyo tobankii sano ee ugu dambeysay.

Si kastaba ha-ahaatee booqashada uu Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka & Nabad Sugidda Turkiga ku yimid Caasimadda Muqdisho ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee dalka uu ku yimaado, tan iyo markii xilkaasi loo magacaabay bishii June ee sanadkii 2023.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc