Home Dhacdooyin Macluumaad la xiriira: Burburka Buundadii Degmada Baardheere + SAWIRRO

Macluumaad la xiriira: Burburka Buundadii Degmada Baardheere + SAWIRRO

by Laacib

Xaalad cakiran ayaa ka jirta Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, ka dib markii ay shalay galab burburtay buundadii isku xireysay labada daamood ee magaaladaasi.

Daadadka xoogan ee magaalada ku soo rogmaday iyo fatahaadda uu halkaasi ka gaystay Webiga Jubba ayaa soo dedejisay in ay go’do buundadaasi.

Roobabka mahiigaanka ah ee labadii toddobaad ee la soo dhaafay ka da’ayay gobolka ayaa keentay in biyihii marayay toga Kurmaan ee dhinaca ka mara magaalada ay ku soo rogmadaan Baardheere.

Daadadka ka dhashay roobabka mahiigaanka iyo fatahaadda uu webigu sameeyay ayaa dhabaha u xaartay in biyuhu ay ka sare maraan buundada, oo muhiim u ahayd isu socodka dadka iyo ganacsiga gobolkaasi.

Webiga Jubba ayaa bari iyo galbeed u kala qaybiya magaalada, waxaase xusid mudan in fatahaaduhu ay sababeen in magaalada ay saddex qaybood kala noqoto, iyadoo xaafadda Kurmaan oo dhanka bari ee magaalada ku taalo ay gooni u go’an tahay

Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Gedo, Maxamed Xuseen Isaaq (Al-Qaadi) oo ka mid ah masuuliyiinta ku harsan magaalada ayaa Khamiistii ku sheegay maalin xanuun badan.

“9-ka November ee 2023 waxay tahay maalin xanuun badan, Buundadii Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa gebi ahaanba meeshii ay ka dhisneyd ka baxday.” Ayuu yiri Al-Qaadi.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in daadadka iyo fatahaadaha is wata ay si si weyn u saameeyeen deegaanada Jubbaland, gaar ahaan Degmooyinka Baardheere, Buurdhuubo, Ceelwaaq, Luuq, Dhoobley iyo Jamaame.

Madaxweynaha ayaa Khamiistii sheegay in 14 qof ay ku dhinteen roobabka dayrta ee xilligan ka da’aya deegaanada Jubbaland, kuwaa oo 12 ka mida ay ku dhinteen sida uu sheegay Gobolka Gedo.

Buundada burburtay ee Baardheere ayaa la dhisay sanadkii 1978-kii, sida uu sheegay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka & Isbedelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka, Aadan Ibraahim Aw Xirsi, inkastoo dhawaan dayatir lagu sameeyay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc