Home Wararka Maanta Macluumaad la xiriira: Dagaal faraha looga gubtay oo ka dhacay deegaanka Daaru-nimca

Macluumaad la xiriira: Dagaal faraha looga gubtay oo ka dhacay deegaanka Daaru-nimca

by Laacib

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal faraha looga gubtay oo maanta Ciidanka Xoogga Dalka iyo maleeshiyada Al Shabaab ku dhex maray deegaanka Daaru-nimca, oo hoostagga Degmada Ruunirgood ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyadaasi ay dhowr jiho ka weerareen Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee fariisimaha ku leh deegaankaasi.

Mintidiinta Al Shabaab ayaa la sheegay in dagaal culus ka dib ay u suurtagashay inay la wareegaan gacan ku haynta deegaankaasi, ciidamadana ay dib uga baxeen.

Ciidamada ayaa weerar rogaalcelin ah ku qaaday maleeshiyadaasi, ka dib gurmadyo xoog leh oo meelo kala duwan uga yimid.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ciidanka Guutada Gumac ee Ilaalo Qaran ay dagaal faraha looga gubtay la galeen Shabaabkii qabsaday deegaankaasi, isla-markaana ay ku khasbeen in ay dib uga gurtaan deegaankaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya inaanay Shabaabku mahdin weerarka ay duhurnimadii maanta ku qabsadeen deegaankaasi, bacdamaa looga dilay xubno badan oo meydadkoodu ay u suurtagashay in ay horey u sii qaataan.

Daa’uud Xaaji Cirro, Afhayeenka Madaxtooyada Hirshabelle ayaa sheegay in Shabaab lagu jebiyay dagaalka, isla-markaana ay deegaanka ka baxeen iyagoo uu dhib weyn gaaray.

Afhayeenka ayaa waxa uu sheegay in ciidanku ay afar askari kaga dhinteen dagaalkaasi, tiro kalena ay kaga dhaawacmeen.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow iyo Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa Khamiistii kormeeray ciidamada degan deegaankaasi.

Taliyaha ayaa xilligaasi min hal darajo dalacsiiyay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ee saldhigoodu yahay Daaru-nimca.

Mintidiinta Al Shabaab ayaa sidaan oo kale Daaru-nimcau u weeraray 30-kii bishii June, markaas oo ay qarax ku burburiyeen Masjidka weyn ee deegaankaasi. Masaajidkan ayaa ahaa kan keliya ay ku cibaadeystaan dadka ku dhaqan deegaankaasi iyo tuulooyinka kale ee ku dhow dhow.

Weerarka maanta ka dhacay Daaru-nimca ayaa imaanaya, iyadoo deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Shabaabka hubeysan ee ka hawlgala bartamaha dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc