Home Wararka Maanta Macluumaad la xiriira: Dagaal qaraar oo ka dhacay deegaanka Masagawaa

Macluumaad la xiriira: Dagaal qaraar oo ka dhacay deegaanka Masagawaa

by Laacib

Faah faahino ayaa ka soo baxaya dagaal faraha looga gubtay oo maanta ka dhacay deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa saakay weerar culus ku ekeeyay Xerada Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin deegaankaasi, oo billo ka hor laga saaray mintidiintaasi.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay dagaalka isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu si weyn u saameeyay deegaankaasi iyo deegaanada kale ee ku dhow dhow.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka ay si weyn u difaacdeen xeradooda, isla-markaana ay Shabaabku ku guuldareysteen inay foodda geliyaan saldhiggaasi militari. Xeradan ayaa waxaa dhawaan la geeyay ciidamadii lagu soo tababaray dalka Eritrea.

Dadka deegaanka ayaa dagaalkan ku sheegay kiisii ugu xooganaa ee ka dhaca Masagawaa, inta ay xusuusan yihiin, iyagoo dhanka kalena sheegay inay arkayn dhimasho badan oo labada dhinac ah. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan ayaa Dhacdo.com u sheegay in uu arkay tiro meydad ah oo ay Shabaabku ka carareen.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in dagaalka lagu dilay in ka badan 30 ka tirsan maleeshiyada Shabaabka, hub ay gaadiid dagaal ku jiraana dagaalka looga furtay, halka dhankeeda ay sheegtay in saddex askari kaga dhaawacantay.

Al Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in dagaalka ay ku dileen 73 ka mid ah Ciidamada Dowladda, gaadiid dagaal iyo hubna ay dagaalka ku soo furteen.

Iskusoo wada-duuboo waxaa degan xaaladda deegaanka Masagawaa, oo ugu dambayn ay u hareen Ciidamada Dowladda, halka Shabaabka lagu khasbay in ay dib uga gurtaan.

Inkastoo Shabaabku ay weji gabax kala kulmeen weerarkaasi, haddana qorshahooda ayaa ahaa in ay ku fashiliyaan abaabulka iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee gobolka ka socda, yoolkuna yahay in lagu xoreeyo Degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri.ee bariga gobolkaasi.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii 2aad oo dhowr maalmood gudahood ay Shabaabku ka gaystaan mid ka mid ah xeryaha ciidamada. Shabaabka ayaa Jimcihii weerar xoogan kula wareegay Xeradii Ciidanka Militariga Uganda ee qaybta ka ah ATMIS ay ku lahaayeen deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc