Home Wararka Maanta Macluumaad la xiriira: Dagaalka culus ee ka dhacay Degmada Baraawe

Macluumaad la xiriira: Dagaalka culus ee ka dhacay Degmada Baraawe

by Laacib

Wararka ka imaanaya Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in xiisad ay ka taagan degmadaasi, ka dib dagaal culus oo shalay galab illaa goor dambe oo xalay ahayd ka socday halkaasi.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ee magaaladaasi ku wada sugan.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay, ka dib markii askari ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed uu dilay askari kale oo ka tirsanaa Xoogga Dalka, taas oo keentay in Ciidamada Militariga ay weeraraan fariisimihii ay Ciidanka Daraawiishta ku lahaayeen aagga Xarunta Madaxtooyada ee magaaladaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa saqdii dhexe ee xalay la wareegay fariisimihii Ciidanka Daraawiishta ku lahaayeen afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada, iyadoona Ciidanka Daraawiishta ay kolkii dambe difaac adag ka galeen dhismaha Madaxtooyada.

Taliyaha Ururka 25aad, Guutada 6aad ee Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale (Xarago) ayaa sheegay in Ciidanka Daraawiishta ay leeyihiin masuuliyadda dagaalka culus ee ka dhacay magaalo xeebeedkaasi.

Maxamed Ibraahim Barre, Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose ayaa labada ciidan ugu baaqay inay xabadda joojiyaan, xaaladdana ay sideedii hore ku soo celiyaan.

“Dagaal mar walbaba khasaare ayuu keennaa, xabadda ay ridayaan ciidamada waxaa loogu talagalay inay cadowga nabadiidka ah ee ummadda dhibaatada ku hayo inay kula dagaalamaan.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa xaqiijiyay in dagaalka ay ku dhinteen 10 askari oo ka mid ah dhinacyadii dagaalamay, isagoo intaa ku daray inaanu jirin inta la ogyahay dad rayid ah oo waxyeelo ka soo gaartay dagaalkaasi.

Gudoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in la baari doono waxa sababay dagaalkaasi, tallaabana laga qaadi doono ciddii ka masuulka ahayd.

“Baaritaan rasmi ah ayaa la samayn doonnaa, sababta ay ku dhacday inay ciidamada dagaalamaan iyo sababta khasaarahaasi keentay, ka dibna tallaabo rasmi ah ayaa laga qaadi doonnaa, hadduu Ilaahay yiraahdo.” Ayuu yiri Gudoomiye Barre.

Dhanka kale Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in uu hakad ku yimid isu socodkii dadka iyo gaadiidka ee Degmada Baraawe, isla-markaana ay xiran yihiin goobaha ganacsiga iyo waxbarashada.

Dagaalkan oo si guud u saameeyay magaaladaasi ayaa keenay in dadka qaybtood ay bilaabaan in ay isaga barakacaan xaafadaha magaalada qaarkood.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc