Home Dhacdooyin Macluumaad la xiriira: Diyaaradda ku burburtay Garoonka Aadan Cadde + SAWIRRO

Macluumaad la xiriira: Diyaaradda ku burburtay Garoonka Aadan Cadde + SAWIRRO

by Laacib

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in baaritaan dhameystiran ay ku sameynayso waxa sababay shilka diyaaradeed ee maanta ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Diyaaraddan oo u kireysneyd Shirkadda Halla Airlines ayaa ku burburtay dhabaha diyaaradaha ku cararaan ee Garoonka Aadan Cadde, xilli diyaaraddu ay ka deganeysay garoonkaasi. Diyaaradda ayaa la arkayay iyadoo ka baxeysa runwayga garoonka.

Diyaaradda oo saakay ka ambabaxday Magaalada Muqdisho ayaa rakaab ka soo qaadday Garoonka General Maxamed Abshir ee Magaalada Garoowe, shilkan ayayna la kulantay soo noqodkeedii Muqdisho.

Shilka ka dib waxaa jiray wa-xoogaa dab oo ka kacay diyaaradda, markii dambe lagu guuleystay in la demiyo. Shaqaalihii iyo rakaabkii la socday diyaaradda ayaa sidoo kale lagu guuleystay in burburka diyaaradda laga soo saaro, walow ay jiraan dad u badan kuwo dhaawacyo fudud ka soo gaaray shilkaasi.

Axmed Macalin Xasan, Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa sheegay in diyaaraddu ay la socdeen 34 qof, oo isugu jira sida uu sheegay shaqaalihii diyaaradda iyo rakaabkii la socday, dhammaantoodna ay dad shacab ah ahaayeen.

“Degashada markay bilaabeysay si caadi ah ayay diyaaradda u bilowday, laakiin dhanka bidixda ah meeshii ay ka deganeysay runway-ga ayay uga baxday, ka dibna halkaas ayay shilka ku gashay.” Ayuu yiri Maareeyaha.

Maareeyaha oo BBC la hadlay ayaa sheegay inaanay jirin cid ku dhimatay shilkaasi, marka laga soo taggo in dhowr qof ku dhaawacmeen iyo diyaaraddii oo sida uu xaqiijiyay burburtay.

“Wax dhimasho ah ma jirin, laakiin diyaaradda way burburtay, saacado kooban ayaana runway-gii xirnay, intii laga nadiifinayay goobtii ay diyaaradda ku burburtay.” Ayuu yiri Maareeyaha.

“Sida shilku u dhacay iyo sida Ilaahay nooga badbaadiyay wax isu dhigmo ma ahayn. Marka wax weyn oo dhimasho ama dhaawac ah ma jirin.” Ayuu sii raaciyay Maareeyuhu.

Waxa sheegay in hadda ay bilaabayaan baaritaanka ku aaddan waxa sababay shilkaasi diyaaradeed, iyagoo dib u eegaya sanduuqa madow diyaaradda ee keydiya xogta diyaaradda, halkaas oo laga ogaan karo ciladda keentay shilka, balse ogaalkoodu sida uu sheegay aanay wax cilad ahi ku ogeyn diyaaraddaasi, si caadina ay dalka uga shaqeyneysay.

“Diyaaradda waxay ahayd diyaaradaha ugu dayactirka wanaagsan, waxaa sameysay Dowladda Brazil, soddon iyo wax yar qaad ayay ahayd, hadda ayayna dayactir uga soo laabatay dalka South Africa. Marka dayactir iyo dhinacaas shil sababi kara oo aan ku ogeyn ma jirto, aad ayay u caafimaad qabtay.” Ayuu iri Maareeyaha.

Waxa uu intaasi ku daray “Waxa sababay shilkan waxaan u dhaafaynaa, marka uu soo baxo baaritaanka rasmiga ah ee xogta sanduuqa madow.”

Dhanka kale Maareeyaha ayaa beeniyay wararka qaar ee lagu baahiyay barraha bulshada ee sheegayay in dad masuuliyiin ahi ay la socdeen diyaaraddaasi.

“Waxaan kuu xaqiijinaya wax masuuliyiin ah ma saarnayn diyaaradda. Masuuliyiintu waxay saarnaayeen diyaarad kale oo iyada ka dambeysay, nooceeda oo kalena ahaa oo iyadana Garoowe ka soo kacday, si nabad ah ayayna ku degatay, laakiin diyaaraddan hadda shilka gashay shacab oo keliya ayaa saarnaa.” Ayuu yiri Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Bishii July ee sanadkii ina dhaafay diyaarad ay leedahay Shirkadda Jubba Airways ayaa ku burburtay Garoonka Aadan Cadde, inkastoo aanay wax khasaare ah ka soo gaarin rakaabkii diyaaradda la socday.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc