Home Wararka Maanta Macluumaad la xiriira: Duqayn labaad oo ka dhacday Gobolka Baay

Macluumaad la xiriira: Duqayn labaad oo ka dhacday Gobolka Baay

by Laacib

Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya weerar dhanka cirka oo caawa ka dhacay deegaan hoostagga Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Duqaynta ayaa ka dhacday deegaanka Warta-daabaan, gaar ahaan halka loo yaqaano Weelka Hubaawe, oo 35km dhinaca koonfur kaga toosan Degmada Buurhakaba, kuna dhow deegaanka Jameeco.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in diyaaradaha saaxiibada caalamiga ay bartilmaameedsadeen goobo ay deganaayeen maleeshiyada Al Shabaab oo halkaasi ku yiilay.

Wararka ayaa sheegaya in duqaynta oo dhacday xilligii Salaadda Maqrib ay maleeshiyadaasi ka soo gaartay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Shabaabka ay isku gadaameen goobaha la bartilmaameedsaday, isla-markaana ay adag tahay in macluumaad sax ah laga ogaado inta uu khasaaruhu gaarsiisan yahay, balse ay xogta ku hayaan in xubno ay garanayeen loo sheegay inay ku dhinteen duqaynta, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Warbaahinta Dowladda Federaalka ayaa tebisay in Ciidanka Xoogga Dalka ay hawlgal ku burburiyeen jidgooyo iyo xarun ay Shabaabku ku lahaayeen deegaanka Jameeco, inkastoo aanay faah faahin dheeri ah ka bixin nooca hawlgalka.

“Halkaas ayaa ahayd goob ay doonayeen inay ku cunaqabateeyaan shacabka ku nool gobolkaas. Hawlgalkan oo dhacay Maqribnimadii caawa ayaa lagu dilay maleeshiyaad gaaraya 15, kuwaas oo ay ku jiraan saddex horjooge. Waxaa gebi ahaan la burburiyay jidgooyadii Khawaarijta, waxaana goobta laga fasaxay gaadiidkii dadweynaha ee ay halkaas ku xanibeen.” Ayay ku warantay Warbaahinta Qaranka.

Hase ahaatee wararka deegaanka laga helayo ayaa sheegaya in goobta ay duqayntu ka dhacday aanay ahayn bar kontorool, isla-markaana aanay jirin wax gaadiid ah oo halkaasi ay Shabaabku ku hayeen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in bartilmaameedyadan ugu dambeysay ee la beegsaday ay hoy u ahaayeen mintidiinta Al Shabaab, kuwooda barraha kontorool ku leh inta u dhaxeyso deegaanada Jameeco iyo Leego ee Gobolada Baay iyo Shabellaha Hoose.

Duqayntan ayaa noqonayso tii labaad oo muddo 24 saac gudahood ah ay diyaaradaha saaxiibada caalamiga ka gaystaan deegaano hoostagga Degmada Buurhakaba.

Fiidnimadii xalay ayay ahayd markii duqayn sidaan oo kale ah ay ka dhacday deegaanka Ceel Bashiir, oo 30km dhanka koonfureed kaga beegan degmadaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc