Home Dhacdooyin Macluumaad la xiriira: Gulufka ciidamada kula wareegeen Degmada Xagar (SAWIRRO)

Macluumaad la xiriira: Gulufka ciidamada kula wareegeen Degmada Xagar (SAWIRRO)

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa Duhurnimadii maanta si buuxdo ula wareegay gacan ku haynta Degmada Xagar ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada oo ka ruqaansaday Degmada Afmadow ayaa maleeshiyada Al Shabaab kala wareegay gacan ku haynta degmadaasi, ka dib in ka badan 15 sano oo ay ka arriminayeen degmadaasi. Hawlgalka ayaa waxaa horkacayay Taliyaha Ciidanka Danab Qaybta Jubbaland, Carab Dheeg Axmed.

Afhayeenka Ciidanka Jubbaland, G/dhexe Maxamed Faarax Daahir ayaa sheegay in ciidamada is garabsanaya ay dagaal kula wareegeen degmadaasi.

“Ciidamadu dagaal bay ku galeen, wayna la wareegeen, si buuxdana gacanta iyagaa hadda ugu haya.” Ayuu yiri Afhayeenka oo VOA la hadlay.

Afhayeenka ayaa sheegay in wanaag iyo wada shaqaynba ay ka filayaan dadka reer Xagar, isagoo dhanka kalena sheegay in ciidamadu aanay dib uga laaban doonin degmadaasi.

Saraakiisha hawlgalka hoggaamineysay oo goob fagaare ah kula hadlay dadka deegaanka ayaa u sheegay inaanay iyagu u socon, cidda dagaalka kula jiraana ay Shabaab tahay. Saraakiisha ayaa reer Xagar ka codsaday in ay la shaqeeyaan, si amniga gacan bir ah loogu qabto.

Gudoomiyaha cusub ay dhawaan Jubbaland u magacawday Degmada Xagar, Cabdisalaan Xasan Garweyne ayaa sheegay in ciidamadu ay haatan degmadaasi ka wadaan hawlgalo amni xaqiijin ah.

Gudoomiyaha ayaa dadka deegaanka ugu baaqay inay is dejiyaan, oo ay guryahooda ku nagaadaan, isla-markaana aysan magaalada ka barakicin iyagoo buu yiri aan xaaladda qiimeynin.

Shabaabka ayaa tan iyo sanadkii 2007-dii gacanta ku hayay Xagar, oo ku taala goob kala qaybisa Afmadow iyo Bu’aale. Bu’aale waa Xarunta Gobolka Jubbada Dhexe.

Ka hor inta aanay ciidamadu la wareegin Degmada Xagar ayaa waxaa jirtay duqayn culus oo xalay ay diyaaradaha saaxiibada caalamiga ka gaysteen deegaanka Weel-maarow oo 45km waqooyi bari kaga beegan Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Duqaynta ayaa timid, ka dib markii Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo hawlgal waday ay iska caabin xoogan kala kulmeen maleeshiyada Shabaabka.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) oo sheegtay masuuliyadda duqayntaasi ayaa sheegay in qiimeynta horudhaca ah ay muujineyso in duqaynta lagu dilay 10 ka mida maleeshiyadaasi. Qoraal ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqaynta lagu taageerayay Ciidanka Xoogga Dalka.

Weel-maarow ayaa la ogyahay in ay ka mid tahay goobaha ay Shabaabku ka ilaaliyaan amniga Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, waxayna ku taallaa meel ku dhow barta kala qaybisa Afmadow iyo Jilib.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc