Home Wararka Maanta Macluumaad la xiriira: Gulufka ku wajahan Magaalada Ceelbuur

Macluumaad la xiriira: Gulufka ku wajahan Magaalada Ceelbuur

by Laacib

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu soo dhameystiray Ciidamada Qalabka Sida iyo xoogaga deegaanka ee loogu talagalay in ay ka qayb qaataan gulufka militari ee lagu xoreynayo Magaalada Ceelbuur.

Taliyaha cusub ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Cabdi Salaad Shuuriye ayaa Khamiistii xilka kala wareegay Taliyihii hore ee Qaybta 21aad, Korneyl Xasan Maxamed Abuukar (Xasan Jaamici).

Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro), kaas oo gobolka u jooga dardargelinta gulufka maleeshiyada Al Shabaab looga saarayo deegaanada Galmudug.

Ciidamada ayaa lagu wadaa in wixii Sabtida ka dambeeyo ay u ruqaansadaan Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaanada kale ee maleeshiyadaasi ka joogaan Bariga Gobolka Galgaduud, iyadoona muhiimadda koowaad la siinayo hawlgalka ballaaran ee kooxaha argagixisada looga saarayo Ceelbuur, oo ay ku leeyihiin xaruntooda ugu weyn ee Gobolada Dhexe.

Hawlgalkan ayaa la sheegaya in uu isugu jiri doono dhowr weji, isla-markaana uu kaabi doono midka kale ay ciidamadu ka sameynayaan Koonfurta Gobolka Mudug.

Hawlgalka Gobolada Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa sidoo kale ka qayb qaadan doona diyaaradaha saaxiibada caalamiga ah. Diyaaradahan ayay tahay inay weeraro dhanka cirka ka gaystaan goobaha ay ciidamada ku adkaato in si dhakhsi leh uga gudbaan.

Ma cadda tirada rasmiga ah ee askarta ka qayb qaadaneysa hawlgalkan, balse Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa dhawaan sheegay in illaa toban kun oo askari ay u diyaarsan yihiin hawlgalada dib-u-xoreynta ee deegaanada Galmudug.

Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la sheegaya in uu dejiyay qorshe ay ciidamadu muddo dheer ugu sii joogayaan Magaalada Ceelbuur.

Taliska ayaa wada barmaamij ay Ciidamada Qalabka Sida iyo xoogaga deegaanka isugu fidinayaan deegaanada ka baxsan Ceelbuur iyo weliba dhulka fog ee miyiga, si halkaasi looga sifeeyo kooxaha argagixisada.

Tani ayaa looga hortagaya wax kasta oo Shabaabka u suurtagelinaya inay dib iska soo abaabulaan, weerarana uga gaystaan dhulka la xoreeyay.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamed oo haatan saldhig ka sameystay Magaalada Dhuusamareeb ayaa gadaal ka riixaya in ciidamadu ay maalmo tirsan ku xoreeyaan dhulka Galmudug, si loo guda galo wareegga xigga ee wejiga labaad ee hawlgalka, oo la doonayo in lagu soo gacan geliyo dhulka maqan ee Hirshabelle.

Ilo ku dhow dhow Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegaya in dhowr iyo toban kun oo askari, oo isugu jira Ciidamada Qalabka Sida iyo xoogaga deegaanka loo diiwaangeliyay hawlgaladan laga sameynayo deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle.

Sida uu qorshuhu yahay kolka lagu kala baxo hawlgalka Gobolada Dhexe ayaa lagu wadaa in ciidamadu ay wareegga ugu dambeeya ee hawlgalkan ku wajahaan deegaanada ay mintidiinta Al Shabaab ka maamulaan deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horaan wacad ku maray in dowladdiisu ay dalka ka ciribtiri doonto kooxaha argagixisada, tiiyoo aad mooddo in hadda ay waddadeedii ku taagan tahay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc