Home Wararka Maanta Macluumaad la xiriira: Guutada Gumac iyo halka loo wado in ay ka hawlgalaan

Macluumaad la xiriira: Guutada Gumac iyo halka loo wado in ay ka hawlgalaan

by Laacib

Ciidanka Guutada Gumac ee Xoogga Dalka ayaa lagu soo bandhigay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee General Gordon ee Magaalada Muqdisho, xilli uu maanta booqanayay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow.

Guutada Gumac waa garab ka mid ah Ciidankii Xoogga Dalka ee lagu soo tababaray dalka Eritrea, horaana dalka dib loogu soo celiyay. Ciidamadan ayaana muddooyinkii ugu dambeysay deganaa Xerada General Gordon ee Degmada Hodan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadan loogu talagalay in ay ka hawlgalaan daanta galbeed ee Gobolka Hiiraan, oo maleeshiyada Al Shabaab ay ka maamulaan gobolkaasi.

Ciidamada ayaa la hawlgeli doona Ciidanka Qaybta 27aad ee Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee Macawiisleyda ee lagu diyaariyay deegaanada dhaca webiga jiinkiisa, laga soo bilaabo min Beledweyne, Halgan illaa Buulo Burde.

Ciidamada ayaa lagu wadaa in dhawaan ay ka gudbaan biyaha webiga, iyagoo barbar socon doona ciidamada kale ee lagu abaabulayo Gobolka Shabellaha Dhexe ee ujeedkoodu yahay inay Shabaabka ka saaraan dhinaca galbeed ee gobolkaasi. Shabaab ayaa Hirshabelle ka haysta deegaanada dhaca dhanka galbeed ee labada gobol ee Hirshabelle.

General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ka hadlayay Xerada General Gordon ayaa sheegay in Ciidanka Guutada Gumac ee Ilaalo Qaran ay qabaan tababar uu heerkiisu sarreyo.

“Waad ka warqabtiin dalka waxaa ka socdo dagaalkii Khawaarijta, ciidanka keliya ee aan dhihi karno tababar lagu la dagaalamo nimankaas Khawaarijta ah, waxaa qaba waa Ciidankan Ilaalo Qaran, awoodda iyo waqtiga uu ku qaatay tababarada haddii la fiirsho, wuxuu wax badan ka duwan yahay ciidamada hadda hawlgalada galay ama ku jira.” Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa yiri “Waxaan marka rabnaa inaan ka faa’iideysano Ciidanka Ilaalo Qaran, maanta xilliga lagu jiro waa xilli runtii ay joogto guusha yaa helay. Nimankii waa jaban yihiin, wayna jabeen, hawada iyo dhulkee ka jabeen, dhulkii ay weerarada ka gaysan jireen bishii ugu dambeysay lama weerarin, mana soo aadin.”

Waxa kaloo uu yiri “Maanta waxaan rabnaa Ciidanka Ilaalo Qaran kaalintooda inaan uga faa’iideysano, waxaan rabnaa inay noqdaan raggii qaadan lahaa sharafta iyo haybadda ee Ciidamada Qalabka Sida. Maanta oo bahashu geba-gabo tahay inay noqdaan ciidanka kuwa magaca yeesha.”

Jananka ayaa Guutada Gumac ku booriyay in ay u diyaargaroobaan, sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen hawlgalka ballaaran ee dalka ka socda.

“Waxaan rabnaa marka in ciidanku uu diyaargaroobo, waxaana rabnaa inuu u diyaargaroobo faltan, hadda awooddiina intii way ka badan tahay, taakuleynta cirkuna intii way ka badan tahay, maantana waxay joogtaa guusha yaa helay oo qaatay, ciidanka ku guuleystay waa kee in la yiraahdo ayay joogtaa.” Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Ku dhawaad dhowr iyo toban kun oo askari ayaa la qiyaasaya in hadda ay u diyaarsan yihiin wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah Shabaabka Gobolada Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc