Home Wararka Maanta Macluumaad la xiriira: Hawlgalada ka socda Gobolka Shabellaha Hoose

Macluumaad la xiriira: Hawlgalada ka socda Gobolka Shabellaha Hoose

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa toddobaadkii saddexaad hawlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab ka wado deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Sabtidii shalay la wareegay gacan ku haynta deegaanka Jilib Marka, oo hoostagga Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidamada ayaa dagaal kula wareegay gacan ku haynta deegaankaasi, oo muddo dheer ay ka arriminayeen maleeshiyada Al Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in duqayn culus ay ka dhacday afaafka hore ee deegaankaasi, ka hor intii aanay gudaha u soo gelin Ciidamada Dowladda.

Ciidamada ayaa Jilib Marka ku soo bandhigay meydadka dagaal-yahano ka tirsanaa Al Shabaab, kuwaa oo ay sheegeen in dagaalka lagu dilay.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Maxamed Ibraahim Barre ayaa xaqiijiyay in sidoo kale ay ciidamada nolosha ku qabteen maxaabiis ka tirsan Shabaabka, isla-markaana ay la wareegeen kayd hub ah oo ay lahaayeen.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in ciidamadu ay waddada xeebta ee xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Marka ay ka sifeynayaan Shabaabka hubeysan, isla-markaana ay baacsanayaan firxadkooda, sida uu yiri.

Dhanka kale Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hawlgalkan mid kale oo barbar socda, waxa ay ka wadaan deegaanada Nambar Konton, Nambar Lixdan, Ceelwareegow iyo tuulooyinka kale ee u dhaxeeya Magaalooyinka Marka iyo Qoryooley, waana hawlgal la sheegay in waddada looga nadiifinayo maleeshiyada Shabaabka.

Maxamed Ibraahim Barre, Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose ayaa shacabka ku dhaqan deegaanada ay hawlgalada ka socdaan ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada, ayna fahmaan in waa cusub uu u baryay.

“Qofkii soo sheega qof nabadiid ah meeshii uu ku dhuumanayo oo ka mid ah meelaha ay hawlgalada ka socdaan oo xogtiisa ciidamada la soo wadaaga, abaalmarin ayaa la siinayaa.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha oo la dardaarmayay dadka deegaanka ayaa yiri “Waxaan leenahay nabadiidka hala iska iska sifeeyo, ciidamada ayaa garabkeenna soo istaagay, maanta ayaana fursad haysanaa, fursaddaasi aan ka faa’iideysano. Deegaanadeenna ha noqdaan deegaano ka nadiif ah nabadiidka iyo dhibaatada ay ku hayeen.”

Gobolka Shabellaha Hoose waxaa lagu tilmaamaa gobolka ay weerarada ugu badan ka soo abaabulaan Shabaabka, kana gaystaan, inkastoo muddooyinkii ugu dambeysay ay hoos u dhaceen weeraradooda gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc