Home Wararka Maanta Macluumaad la xiriira: Hawlgalka ay ciidamada ka wadaan Gobolka Galgaduud

Macluumaad la xiriira: Hawlgalka ay ciidamada ka wadaan Gobolka Galgaduud

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsananaya xoogaga deegaanka ayaa dhanka waqooyi kaga sii socda Magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamadan oo Isniintii ka ruqaansaday Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa la sheegaya in hawlgal sifeyn ah ay ka wadaan aagga deegaanka Ceelgorof oo 5km u jirta deegaanka Wabxo, oo iyana qiyaastii 43km u jirta Ceelbuur.

Hawlgalka oo uu gaabis ka muuqdo ayaa loo aaneynaya waddada oo miinooyin badan lagu aasay, isla-markaana ciidamadu ay miino baaristaasi ku howlan yihiin.

Ciidamadan ayaa waxaa hoggaaminaya Taliyaha Guutada Cali Bin Abii Daalib ee Xoogga Dalka, Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin.

Ciidamadii jihada koonfureed kaga sii siqaayay Magaalada Ceelbuur ayaa waxaa muuqata in dib u dhac uu ku yimid, iyadoona ciidamadu ay ku sugan yihiin deegaanka Burujeed. Burujeed ayaa ku taala marin muhiim ah oo xiriirisa Magaalooyinka Ceelbuur iyo Guriceel.

Sidoo kale ciidamadii kale ee dhanka bari kaga sii socday Ceelbuur ayaa la sheegaya in Talaadadii ay dib uga baxeen deegaanka Ceelgaras, inkastoo ciidamadu aanay sidaasi uga fogayn Ceelgaras.

Ciidamada ayaa Isniintii bilaa dagaal kula wareegay Ceelgaras oo isku xirto Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelbuur, waana Ceelgaras oo maleeshiyada Al Shabaab ay ku lahaayeen difaacooda bari ee Ceelbuur.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadu ay deegaankaasi uga soo baxeen, iyadoo ay jirto dareen laga muujiyay in deegaanka ay soo weerari karaan maleeshiyada Shabaabka ee ku sugan deegaanka Xiindheere.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada ay sugayaan ciidan kale, oo sida la sheegay ka soo socda dhanka Degmada Baxdo iyo deegaanka Qaayib, kuwaa oo ay tahay inay qabtaan Xiindheere, haddii aanba ciidamadaasi aag kale lagu jiheyn.

Dhanka kale ciidan xoog leh oo lagu diyaariyay Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa la filayaa inay gaaraan goobihii ay ciidamadu daba-yaaqadii bishii August ka soo baxeen, sida Degmooyinka Ceeldheer & Galcad iyo deegaanada Budbud iyo Masagawaa.

Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Cilmi Cali Cabdi ayaa sheegay inay rajeynayaan in ciidamadu ay si garbo siman oo miisaaman u socdaan, si buu yiri uusan cadowgu dib dambe ugu helin fursad uu ugu soo laabto deegaanada.

Gudoomiyaha ayaa hawlgalkan militari ku sheegay mid kooxaha argagixisada lagaga ciribtirayo deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolkaasi.

Gudoomiyaha ayaa ku ammaanay bulshada Gobolada Galgaduud & Mudug kuwo u darban, door weyna ka qaadanaya dagaalka dib-u-xoreynta dalka.

Wasiirka Amniga Galmudug, Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) ayaa dhankiisa sheegay in maalmaha dhow ay dadka reer Galmudug ka xoroobi doonaan kooxaha argagixisada.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada Galmudug & Hirshabelle ayaa si dhow isha ugu haya gulufka ballaaran ee ka socda Gobolada Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc