Home Wararka Maanta Macluumaad la xiriira: Hawlgalka ka socda Gobolka Hiiraan

Macluumaad la xiriira: Hawlgalka ka socda Gobolka Hiiraan

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka, Xoogaga Difaaca Shacabka iyo Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), oo garabsanaya cutubyo ka tirsan Ciidanka Militariga Itoobiya, sidoo kalena ay dhanka cirka ka taageerayaan diyaaradaha dagaalka ee Turkiga ayaa hawlgal sifeyn ah ka wada deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay ku daadsan yihiin min Yasooman, Beera-yabaal illaa Jicibow, oo dhammaantood hoostagga Degmada Buuloburde ee gobolkaasi.

Hawlgalkan oo uu hoggaaminayo Cali Jeyte Cismaan, U Qaybsanaha Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisleyda ayay ciidamadu ku baadigoobayaan maleeshiyaad ka tirsan kuwa Al Shabaab, oo sida la sheegay ka soo gudbay daanta galbeed ee Webiga Shabelle, isla-markaana ku sugan dhulka hawdka ee u dhaxeeya Beera-yabaal iyo Jicibow.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadu ay meelaha qaarkood iska caabin kala kulmeen Shabaab lugeynaya, isla-markaana ay u suurtagashay in ay jiiraan.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in duqayn dhanka hawada ah ay saakay ka dhacday dhulka hawdka ee Beera-yabaal illaa Jicibow.

Dhanka kale ciidan ka tirsan kuwa Kumaandooska Gorgor iyo Xoogaga Macawiisley ayaa la sheegaya in sidoo kale ay hawlgal amni xaqiijin ah ka wadaan deegaanada soo gala waddada xiriirisa Halgan iyo Beledweyne.

Mar sii horreysay ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in Shabaab ka soo tallaabay webiga ay ku sugan yihiin qaybo ka mida deegaanada Waabweyn iyo Xalaaley ee dhinaca bari ee Gobolka Hiiraan.

Xoogaga Macawiisleyda ayaa muddooyinkii ugu dambeysay deegaanadaasi ka ilaalinayay amniga waddada xiriirisa Beledweyne iyo Halgan, oo muhiim u ah isu socodka gobolka.

Ciidamada is garabsanaya ayaa u muuqda kuwo haatan Shabaabka ka fogeynaya deegaanada ku dhow dhow webiga jiinkiisa, ka hor inta aanay guluf ballaaran ku qaadin dhulka ay Shabaabku ka joogaan daanta galbeed ee Gobolka Hiiraan.

Cali Jeyte oo toddobaadkii hore gobolka ka bilaabay abaabulka iyo diyaargarowga ciidamada ayaa Sabtidii ciidamada jihooyin kala duwan kaga dhaqaajiyay dhulka la doonayo in laga sifeeyo mintidiinta Al Shabaab.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc