Home Wararka Maanta Macluumaad la xiriira: Ismiidaaminta ka dhacday Xerada Kulliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho

Macluumaad la xiriira: Ismiidaaminta ka dhacday Xerada Kulliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho

by Laacib

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ahaa oo barqanimadii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa ayaa beegsaday Ciidanka Guutada 14-ka October ee Xoogga Dalka, oo ku sugnaa Xerada Kulliyadda Jaalle Siyaad.

Wararka ayaa sheegaya in ismiidaamiyuhu uu ciidamada bartilmaameedsaday, ka dib xilligii quraacda oo safaf ay ku jireen gudaha xeradaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ninka is qarxiyay uu isku soo dhex daray ciidamada, isla-markaana uu ku jiray saf dheer oo ciidamadu ay taagnaayeen. Ninkan ayaana ku labisnaa dareyska ciidamada.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya inaanay jirin cid ka ag dhawaan karta goobtaasi, mararka qaarkoodna ay ciidamadu furayaan rasaas.

Inkastoo Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka aanay weli si rasmi ah uga hadlin khasaaraha ka dhashay qaraxaasi, haddana ilo ku dhow dhow Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegaya in illaa 25 askari ay ku dhinteen qaraxaasi, ku dhawaad 50 kalena ay ku dhaawacmeen. Khasaaraha ayaana intaasi ka badan kara.

Dhaawacyada askarta ayaa la kala geeyay Isbitaalada Digfeer iyo kan Ciidanka Xoogga, oo labaduba ku yaala Degmada Hodan.

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda weerarka ayaa sheegtay in lagu dilay 73 askari, halka 124 kalena ay ku dhaawacmeen.

Al Shabaab ayaa qoraal ku sheegtay in ciidamadaasi ay qayb ka ahaayeen 250 askari oo lagu feeliyay sida ay sheegtay Kulliyadda Jaalle Siyaad. Qoraalka ayaa lagu sheegay inay aad u yar yihiin tirada askarta ka badbaaday weerarkaasi.

Ma cadda sida ninka is qarxiyay ay ugu suurtagashay inuu gudaha u galo xeradaasi ciidan, oo ka mid ah goobaha ugu ilaalada adag ee Caasimadda Muqdisho.

Dad badan ayaa qaba inaanay ninkaasi u suurtageli lahayn in uu gudaha u galo xerada, haddii aanay jiri lahayn gacan gudaha ah.

Ciidamadan oo laga keenay Gobolka Shabellaha Hoose ayaa muddooyinkii ugu dambeysay ku sugnaa Kulliyadda Jaalle Siyaad, iyadoona loo diyaarinayay wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Shabaabka.

Xeradan oo kol sii horreysay ay ka baxeen Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa waxaa dhawaan amnigeeda lagu wareejiyay cutubyo si gaar ah loo soo xulay, kana tirsan Ciidanka Guutada 14-ka October ee Militariga Somaliya.

Guutada 14-ka October ayaa la aasaasay wixii ka dambeeyay weerarkii boqolaalka qof ku dhinteen ee 14-kii bishii October ee sanadkii 2017 ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa aasaastay ciidamadan, si loogu xusuusto dadkii faraha badnaa ee ku naf waayay weerarkaasi argagixiso.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc