Home Wararka Maanta Macluumaad la xiriira: Ka maqnaanshaha Cali Jeyte ee furimaha dagaalka

Macluumaad la xiriira: Ka maqnaanshaha Cali Jeyte ee furimaha dagaalka

by Laacib

Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan ayaa weli ka maqan furimaha hore ee dagaalka, ka dib xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay xil ka qaadistii uu bartamihii bishii June ku sameeyay Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Iyadoo Dowladda Federaalka ay tixgelineyso xil ka qaadista uu Madaxweynaha Hirshabelle ku sameeyay Cali Jeyte ayay si ku-meel-gaar ah u hakisay doorkiisii hoggaamineed ee dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, taas oo sida la sheegayo uu aqbalay.

Cali Jeyte oo daba-yaaqadii bishii July dib u bilaabay abaabul ciidan oo maleeshiyadaasi lagaga saarayo Galbeedka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in Villa Somalia ay ku amartay in uu joojiyo dhaqdhaqaaqaaasi, illaa iyo inta ay Villa Somalia hoos u eegeyso khilaafka kala dhaxeeya Madaxtooyada Hirshabelle.

Dowladda Federaalka ayaa la sheegaya in ay tani u qaadday, si ay uga fogaato khilaaf soo kala dhex gala iyada iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Kuxigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar oo hal dhinac ka ah xil ka qaadista Cali Jeyte, waana xilli Villa Somalia ay fahamsan tahay in ninkaasi uu muhiim u yahay dagaalka lagu la jiro Shabaabka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Villa Somalia ay sidoo kale damacsan tahay in dib loo dhigo amaba la baajiyo shirweyne ay bilowgii bishan ku dhawaaqday beesha bariga Beledweyne in bishan uu ka furmayo magaaladaasi.

Shirka oo ay soo qaban-qaabiyeen Odayaasha Dhaqanka ee beeshaasi ayuu qorshihiisu yahay in looga hadlo aayaha beesha, ka dib xil ka qaadistii Gudoomiye Jeyte, waana xilli beeshu ay markii horeba sad-bursi ka tirsaneysay dadka wax kala dhaxeeyaan ee degga Gobolka Shabellaha Dhexe.

Jeyte ayaa lafdhabar u ahaa kacdoonkii dadweyne ee bishii September ka bilowday Gobolka Hiiraan, markii dambena ku fiday Gobolada Shabellaha Dhexe, Galgaduud iyo Mudug, oo Shabaabka lagaga saaray inta badan deegaanadii ay ka maamulayeen Gobolada Dhexe.

Jeyte ayaa dadka deegaanka ku dhiirigeliyay in ay ka hortaggi karaan, isla-markaana ay iska dulqaadi karaan maleeshiyada Shabaabka. Jeyte ayaana dadka deegaanka ku hoggaamiyay dagaalkii maleeshiyada lagaga saaray deegaanada dhaca dhanka bari ee gobolkaasi.

Xil ka qaadistiisa ayaa timid, xilli uu waday qorshihii xigay ee maleeshiyada lagaga saari lahaa deegaanada ay kaga harsan yihiin daanta galbeed ee Webiga Shabelle.

Jeyte ayaa lagu ammaanaa in uu ummadda Soomaaliyeed baray inaanay Shabaabku sii dagaalami karin, haddii si dhab ah loo wajaho, waana tan keentay in wejigii hore ee hawlgalka laga barto in muddo kooban lagaga adkaan karo Shabaabka muddada dheer dalka ka dagaalamayay.

Jeyte ayaa hadda saaxada dagaalka ka maqan, xilli Gobolada Dhexe uu ka bilowday dagaalka lagu dhameystirayo waxa lagu sheegay haraadiga argagixisada.

Jeyte waxaa lagu tilmaamaa nin xamaasad badan oo cod kar ah, runtana ka sheega halka ay sarta ka quransan tahay, si jihada saxda ah loogu soo laabto.

Jeyte ayay dadku ku xusuustaan in uu si dhiiranaan leh ciidamada iyo dadka deegaanka ugu hoggaamiyay jiidda hore ee dagaalka, keentayna in guul libin leh ka gaaraan kooxihii argagixisada.

Dad badani waxay la yaabeen xilliga lagu soo beegay xil ka qaadistiisa oo dagaal kale uu u diyaargaroobayay, inkastoo khilaafka kala dhaxeeya Madaxda Hirshabelle uu muddo billo ah soo jiitamayay.

Khilaafkan kala dhaxeeya Hoggaanka Hirshabelle ayuu u eersan doonnaa ka maqnaanshihiisa aagagga dagaalka ee xilligan, dadkuna waxay waayi doonaan maadeyskiisii uu ku maadeysan jiray jabka iyo guuldarada Shabaabku kala kulmaan goobta dagaalka.

“Anigu waxaan moodi jiray niman taatiko yaqaana oo wax badan fahmaya oo geesiyaal ah, waa kuwaan is qarxinayee naftooda ka samray oo macno sameynayo ayaan u haystay, waxaan soo xaqiijiyay inay fuley yihiin.” Waa mid ka mid ah hadalada lagu xusuusto Jeyte ee uu jeediyay wejigii hore ee hawlgalka.

Bulshada qaybteed ayaa u bixisay naaneyso kala duwan, sida “hanti qaran”.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc