Home Dhacdooyin Macluumaad la xiriira: Khasaaraha weerarkii Hotel SYL iyo sida uu weji gabax ugu yahay Dowladda Xassan Sheekh

Macluumaad la xiriira: Khasaaraha weerarkii Hotel SYL iyo sida uu weji gabax ugu yahay Dowladda Xassan Sheekh

by Laacib

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faah faahiyay weerarka ka dhacay hotelka caanka ah ee ku dhow Xarumaha Dowladda Federaalka ee Magaalada Muqdisho.

Dabley ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab ayaa xalay weerartay SYL Hotel oo dacalka ku haya Taalada SYL, waxaana uu weerarku ku bilowday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa. Ciidamada Dowladda ayaana barqanimadii maanta soo afjaray weerarkaasi.

Weerarkan ayaa noqonaya mid ka mid ah weeraradii ugu waqtiga dheeraa ee ay Shabaabku ka gaystaan magaalada, waxaana xusid mudan in muddo dhowr iyo toban sano ah ay Shabaabku weeraro ku hayaan hoteelada caasimadda.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Korneyl Qaasim Axmed Rooble oo Warbaahinta kula hadlay goobta uu weerarku ka dhacay ayaa sheegay in ciidamadu ay toogteen 5 nin oo sida uu sheegay soo qaaday weerarka.

“Ciidanka nabadgelyada oo si degdeg ah uga jawaabaya ayaa saacado ka dib bannaanka soo dhigay 5-tii nin ee Khawaarijta ahaa ee gudaha u gashay Hotel SYL, halkaas waxaa ka dhashay khasaare naf iyo maal isugu jira.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa yiri “Khasaaraha hotelka gaaray ka bacdi, shacabka Soomaaliyeed iyo ciidanka oo isku jira waxaa ka dhaawacmay 27 qof. 9 Askari iyo 18 shacab ah, waxaana ku naf waayay ciidan gaaraya 3 askari.”

Waxa uu sheegay in xaaladda lagu soo celiyay sideedii hore, Xildhibaanada iyo dadkii kale ee deganaana ay bilaabeen inay dib ugu soo laabtaan hotelkaasi.

“Xildhibaanadii iyo intii hotelka deganeyd hadda dib ayay ugu soo noqonayaan, xaaladda amniguna sideedii hore ayaa lagu soo celyay.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Korneyl Qaasim Axmed Rooble, Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo wax laga weydiiyay, sida raggii weerarka gaystay ay goobtaasi ku soo gaareen ayaa sheegay in arrintaasi ay baaristeedu socoto.

“Arrintaasi baaris ayay ku jirtaa, hay’adaha ammaanka ayaana u xilsaaran, sida ay wax u dhaceen baaristeedii waa la daba joogaa.”

Mar wax laga weydiiyay inay jiraan wax dad ah oo loo soo xiray weerarkaasi iyo in kale ayaa ku jawaabay “Xaaladda illaa iyo haddeertaan baaris ayay ku jirtaa.”

Weerarkan oo masuuliyaddiisu ay Al Shabaab sheegatay ayaa waxaa dadka ku dhaawacmay ka mid ah xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, Saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Shabaabka ayaa marar hore sidaan oo kale u weeraray hotelkan oo si weyn amnigiisa loo ilaaliyo, kuna yaala agagaarka Madaxtooyada Qaranka.

Dad badani ayaa ku andacoonaya inaanay Shabaabku soo gaari lahayn goobta loo yaqaano aagga cagaaran ee aadka loo ilaaliyo ee weerarku uu ka dhacay, haddii aysan jiri lahayn gacan gudaha ah.

Waa weerarkii 4aad ee ay Shabaabku ku qaadaan hotel ku yaala Caasimadda Muqdisho, tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib loogu soo doortay xafiiska.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa horey sidaan oo kale u weeraray Hoteelada Xayaat, Villa Rays iyo Pearl, oo dhammaantood ku yaala goobo si weyn amnigooda loo ilaaliyo.

Weerarkan ugu dambeeyay waxa uu weji gabax ku noqonaya Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo iyadu wacad ku martay in muddo kooban ay kaga adkaan doonto kooxaha argagixisada, waana calaamad kale oo muujineysa in dagaalka dalka looga ciribtirayo kooxahaasi uu noqon doono mid sii daba dheeraada, haddii aanay Villa Somalia la iman isbedel degdeg ah iyo isla xisaabtan

Weerarka ayaa imaanaya, xilli dadka qaarkii ay niyad xumo ka muujiyeen ciidamada oo Isniintii soo banneeyay furimaha hore ee koonfurta Gobolka Mudug, sida deegaanada Cammaara iyo Bacaadweyne oo muhiim u ahaa dagaalka dib-u-xoreynta dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc