Home Wararka Maanta Macluumaad la xiriira: Khilaafka ka dhex qarxay Madaxweynaha Galmudug iyo Kuxigeenkiisa

Macluumaad la xiriira: Khilaafka ka dhex qarxay Madaxweynaha Galmudug iyo Kuxigeenkiisa

by Laacib

Khilaaf ayaa soo kala dhex galay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Kuxigeenkiisa Cali Daahir Ciid, ka dib markii Madaxweyne Kuxigeenku uu maanta shaqada ka joojiyay Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel).

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa Kusime u magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Cumar Maxamed Diiriye (Cumar Guureeye).

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug ku eedeeyay in uu xagal-daacinayo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, sida lagu sheegay warqad ka soo baxday xafiiskiisa.

Madaxweynaha Galmudug ayaa buriyay warqadda shaqada looga joojiyay Wasiir Cabdi Waayeel.

“Tallaabadan ayaa gebi ahaanba ka soo horjeedda Dastuurka Galmudug, lidna ku ah awoodaha dastuurku siinayo Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Galmudug.” Ayaa lagu yiri qoraal caawa ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Qoorqoor.

Warbaahinta ayaa fahamsan in Madaxweyne Kuxigeenku uu doonayo in la kala diro Maamulka Degmada Caabudwaaq, sidaasi daraadeedna uu shaqada uga joojiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Qoorqoor ayaa lagu yiri “Madaxweynaha ayaa caddeeyay in Maamulka Degmada Caabudwaaq aysan waxba iska bedelin, sida uu qabo Sharciga Dowladaha Hoose ee Dowladda Galmudug.”

Qoraalka ayaa lagu sheegay “Madaxweynaha ayaa faraya hay’adaha amniga iyo garsoorka inay waajibkooda ka gutaan cid kasta oo wax u dhinta amniga iyo xasilloonida Degmada Caabudwaaq.”

Cali Daahir Ciid, Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug ayaa sharci darro ku tilmaamay qoraalka ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Qoorqoor.

“Warqadda ka so baxday Xafiiska Madaxweyne Qoorqoor waxay baalmarsan tahay Dastuurka Galmudug, shaqo ka joojinta Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Galmudug-na wa dhaqangal.” Ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Sidoo kale xil ka qaadistii Golaha Deeganka Caabudwaaq ay ku sameeyeen Gudoomiyihii hore iyo Kuxigeenkiisa ayadana waa dhaqangal, waxaana Guddiga Doorashada faraya in doorasho xor iyo xalaal ah la qabto.”

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa la xusuustaa in bartamihii sanadkii 2021 uu xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha, markaas oo uu ku eedeeyay howl gudasho la’aan. Madaxweyne Qoorqoor ayaana daba-yaaqadii bishii March ee sanadkii 2022 dib u soo magacaabay Wasiir Cabdi Waayeel.

Si kastaba ha-ahaatee khilaafka cusub ee haatan ka dhex qarxay Madaxweynaha Galmudug iyo Kuxigeenkiisa ayaa imaanaya, xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dadaal badani ku bixinayo, sidii maleeshiyada Shabaabka looga saari lahaa Gobolada Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc