Home Wararka Maanta Macluumaad la xiriira: Kulanka aan caadiga ahayn ee dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed

Macluumaad la xiriira: Kulanka aan caadiga ahayn ee dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynaha ayaa Madaxweynihii hore ee dalka uga warbixiyay xaaladda dalka iyo dagaalka ay Dowladda Federaalka kula jirto maleeshiyada Al Shabaab, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Madaxweynihii hore xaaladda dalka iyo dadaalada dowladdu ay ku bixineyso xoreynta dalka & halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee argagixisada Al Shabaab lagu ciribtirayo.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay “Dhankiisa, Madaxweynihii Hore ee dalka, Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda kulankan wadatashiga iyo soo dhaweynta ah ee uu ugu fidiyay Madaxtooyada, waxa uuna u rajeeyay dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo.”

Ilo wareedyo ayaase sheegaya in labada dhinac ay si dhow uga wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo tan Hirshabelle, gaar ahaan xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Magaalada Beledweyne ee ka dhalatay xil ka qaadistii uu Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) uu ku sameeyay Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan, qaybna ka ah xiisadda beeleed ee laga soo sheegayo deegaanka Xalfooley oo dhaca xadka Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Ilo wareedyadu waxay kaloo sheegayaan in Madaxweynaha xafiiska jooga iyo Madaxweynihii hore ee dalka ay sidoo kale ka wada hadleen kulan la filayo in maalmaha soo socda uu Caasimadda Muqdisho ku dhex maro Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xubnihii Midowga Musharaxiinta, ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh xubinta ka ahaa xilligiisii uu u ololeynayay doorashadii dib loogu soo doortay 15-kii bishii May ee sanadkii hore.

Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynihii hore ee Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare oo gelinkii dambe ee maanta shir jaraa’id ku qabtay Caasimadda Muqdisho ayaa baaq ka soo saaray xiisadda Xalfooley, iyagoona beelaha ugu baaqay wixii tabasho ah ee jira in wada hadal lagu dhameeyo.

Shariif Sheekh Axmed ayaa baaqiisa ku xoojiyay inaanan loo baahnayn dagaal aan ahayn midka Shabaab lagu la jiro, ciddii dagaal u caaboona ay tahay in Shabaabka ka hortagaan.

Maxamed Cabdi Waare ayaa dhankiisa sheegay inaanay maanta lahayn cadow aan Shabaab ahayn, isagoona beelaha ugu yeeray in dagaalka dhexdooda ay ka gudbaan.

“War nimanyahow dagaalaa nagu furan, hal cadow ayaan leenahay, Shabaabaa la yiraahdaa. Dhaqan, waxbarasho, Dugsi Quraan iyo Masaajid waa noo diiday.” Ayuu yiri Waare oo intaasi ku daray “Markii annagu ay wax yar iska-key qabtaan inaan isku dhiiranaano oo Shabaab markii uu soo saftana meel aan ka baxnay la waayo, dhaqankaas horta aan iska bedelno. Annagu cadow ayaan leenahay, cadowga horta noo yaalo waa kaas.”

Dhanka kale marka ay noqoto xiisadda ka dhalatay xil ka qaadistii Gudoomiye Jeyte, Madaxda Dowladda Federaalka ayaan iyagu weli ka hadlin xiisaddaasi ka soo korortay gobolka, oo u muuqato inay tahay laba kala daran mid dooro, haddiiba ay dhinac la safanayaan.

Madaxweynaha Hirshabelle iyo Kuxigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa ku doodaya in xil ka qaadista Gudoomiyaha ay muhiim u tahay barnaamijka dayn-cafinta dalka, oo shuruudaha horgudbin ay qayb ka tahay mideynta nidaamka maaliyadeed ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Madaxda Hirshabelle ayaa la fahamsan yahay inay Gudoomiye Jeyte ku eedeynayaan in uu bishii April ka horyimid qorshihii ay wadday Wasaaradda Maaliyadda Hirshabelle ee lagu mideynayay canshuuraha Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, isla-markaana uu diiday in canshuurta uu gobolka qaado si toos ah loo hoos geeyo Wasaaradda Maaliyadda.

Gudoomiye Jeyte oo xilligaasi qoraal ka soo saaray arrintaasi ayaa sheegay inaanan hadda la joogin xilli laga hadlo mideynta canshuuraha labada gobol, haddii ay dagaal kula jiraan Al Shabaab, canshuurta ay qaadaana ay u adeegsanayaan dardargelinta dagaalka, saadka iyo taakuleynta ciidamada, bacdamaa aanay jirin sida uu sheegay meelo kale oo ay kab maaliyadeed ka helaan.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxda Dowladda Federaalka ay Jeyte u arkaan mid muhiim u ah dagaalkii uu horaan iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ee sida uu sheegay dalka lagaga saarayo maleeshiyada Shabaabka.
Jeyte ayaa la fahamsan yahay in uu yahay mashiinkii dhaqaajinayay wejigii hore ee hawlgalka, oo Shabaabka lagaga saaray deegaanadii ay kaga sugnaayeen bariga Gobolka Hiiraan, haatana uu waday abaabulka qorshihii xigay ee lagu qaban lahaa deegaanada ay kaga harsan yihiin daanta galbeed ee gobolkaasi.

Kol sii horreysay Madaxweynaha Hirshabelle oo khadka teleefanka kula hadlay Madaxda Qaranka ayaa u sheegay in Gudoomiye Jeyte uu caqabad ku yahay qorshaha socda ee la doonayo in dalka looga dhaafo amaahda lacageed ee lagu leeyahay.

Xiisaddan ayaa la fahamsan yahay in ay madax xanuun ku riday Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raysal Wasaarihiisa Xamse Cabdi Barre oo la sheegayo in ay ku jahwareersan yihiin dhabihii ay arrintaasi u mari lahaayeen, waana Madaxda Qaranka oo haddii ay mucaaradaan Madaxda Hirshabelle kala kulmi kara caqabado siyaasadeed iyo inay hadhow ku eedeyn doonaan fashil kasta oo suurtagalnimada ku iman kara hannaanka dayn-cafinta iyo dhanka kale oo Gudoomiye Jeyte ah, oo muhiim u ah la dagaalanka Shabaab, ayna la duuban yihiin dadka gobolka iyo Soomaalida inteeda kale.

Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda ee dalka ayaa sheegaya in Jeyte uu kasbaday taageerada shacabka Soomaaliyeed, maadaama bay leeyihiin uu muujiyay in muddo kooban lagaga adkaan karo Shabaab, taas oo rajo badan gelisay Villa Somalia, keentayna in Madaxweyne Xasan Sheekh uu 1-dii bishii January ku dhawaaqo in muddo sanad ahi ay dalka kaga ciribtiri doonaan Al Shabaab, ka dib 16 sano oo ay dalka ka dagaalamayeen.

Si kastaba ha-ahaatee Madaxda Dowladda Federaalka ayaa la eegayaa go’aanka ay qaataan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc