Home Wararka Maanta Macluumaad la xiriira: Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Lloyd Austin + SAWIRRO

Macluumaad la xiriira: Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Lloyd Austin + SAWIRRO

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga Magaalada Djibouti ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa la kulmay Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka, Lloyd Austin.

Xoghayha ayay Axaddii Caasimadda Djibouti uga bilaabatay socdaal uu ku marayo saddex ka mid ah dalalka qaaradda, isagoona Jabuuti uga sii gudbi doona Kenya iyo Angola, waana safarkiisii ugu horreyay oo Afrika uu ku marayo.

Xoghayaha ayaa siyaabooyin kala duwan ula kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

War qoraal ah oo xalay ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka ay ka wada hadleen dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab iyo kor u qaadidda taageerada Mareykanka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Warka ayaa lagu yiri “Dhankiisa Lloyd Austin ayaa bogaadiyay hormarka Dowladda Somaliya ka sameysay dagaalka ka dhanka argagixisada, isagoo tilmaamay sida Dowladda Mareykanka ay uga go’an tahay in ay gacan ka siiyaan Dowladda Somaliya xaqiijinta amniga iyo la dagaalanka argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul istaagay dadaalada naf hurnimada leh ee shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan argagixisada deegaanada kooban ay kaga sugan yihiin dalka, waxa uuna hoosta ka xariiqay in Khawaarijta Somaliya yihiin caqabad ku hor gudban horumarka gobolka iyo halis amni oo u baahan iskaashi caalami ah.”

Xoghayaha ayaa bartiisa X ee horey loo oran jiray Twitter ku sheegay “Anigoo u mahadcelinaya Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle waxaan la kulmay Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud booqashadii aan ku tegay Jabuuti, inagoo ka wada hadalnay dadaalada aan wadaagno ee aan kaga hortegayno Al Shabaab, waxaana garwaaqsaday geesinimada iyo naf hurnimada shacabka Soomaaliyeed oo aan iska kaashanayno, sidii aan wax uga qaban lahayn caqabadaha nagu soo fool leh.”

Lloyd Austin ayaa sidoo kale la kulmay Madaxda Wasaaradda Gaasaandhigga iyo Taliska Ciidanka Difaaca Jabuuti, kuwaa oo uu sheegay inay ka wada hadleen xasilloonida Geeska Afrika.

Austin ayaa sheegay in Dowladaha Mareykanka iyo Jabuuti oo kaashanaya Midowga Afrika ay Dowladda Somaliya ka caawin doonaan dagaalkan ay kula jirto Al Shabaab.

“Maraykanka iyo Jabuuti waxaa ka dhaxeeya xiriir amni oo soo jireen ah, waxaana rajeynaya inaan sii wadno dadaalkeenna, si aan u sii kobcino iskaashigayaga difaaca.” Ayuu yiri Austin.

Mareykanka ayaa hadda Ciidanka Xoogga Dalka ka taageera hawlgalada dhinaca cirka ee ka dhanka ah maleeshiyada iyo horjoogeyaasha Al Shabaab.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc