Home Wararka Maanta Macluumaad la xiriira: Qaraxa dadka badani ku dhinteen ee ka dhacay Beledweyne + SAWIRRO

Macluumaad la xiriira: Qaraxa dadka badani ku dhinteen ee ka dhacay Beledweyne + SAWIRRO

by Laacib

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo duhurnimadii maanta gilgilay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Nin la socday gaari nooca xamuulka oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa isku qarxiyay kontoroolka Horseed ee xaafadda Xaawo Taako, oo lagu canshuuro gawaarida.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in muran uu dhex maray ciidamada iyo ninkii la socday gaarigaasi, ka hor intii aanu goobtaasi isku qarxin.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow) oo galabta gaaray goobtaasi ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka ay hayeen xogta gaarigaasi, isla-markaana ay ku daba joogeen Ciidamada Militariga.

Gudoomiyaha oo Warbaahinta kula hadlay goobtaasi ayaa sheegay in magaalada ay ka dhacday masiibo uu sheegay gaysatay waxyeelo xoogan.

“Masiibaa halkan ka dhacday, xaafaddii Buundo 1aad iyo Horseed wax ku haray oo dad ama deegaan ah ma jiraan, sidaas ayay u burburtay. Nimankan Khawaarijta ah dhibaatadaas ayay maanta u gaysteen Magaalada Beledweyne, masiibadana indhihiinaa ku aragtaan.” Ayuu yiri Gudoomiyuhu.

Cumar Cismaan Calasow, Gudoomiyaha Degmada Beledweyne ayaa sheegay in magaalada lagu soo weeraray gaari weyn, oo sida uu sheegay lagu soo raray walxaha qarxa.

“Wuxuu iska dhigay gaari xamuul sida, si la mid ah gawaarida caadiga ah ee xamuulka ee waddada isticmaalo. Kontoroolkan waxaa lagu canshuuraa gaadiidka, canshuurtii ayuuna diiday inuu bixiyo, sida warka igu soo gaaray, ka dibna gaariga waa is qarxiyay.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Waxa kaloo uu yiri “Wuxuu is qarxiyay markii ay waddada soo galeen laba baabuur oo ciidan ah iyo baabuur kaloo waddada isticmaaleysay.”

In ka badan labaatan qof ayaa la xaqiijiyay in qaraxaasi ku dhinteen tiro kalena ay ku dhaawacantay. Dhaawacyo fara-badan ayaa la geeyay goobaha caafimaadka ee ku yaala magaaladaasi.

Dhanka kale waxaa jira dad nolol iyo geeri lagu la’yahay, ka dib markii la sheegay inay ku dumeen guryihii la deganaa.

Qaraxa ayaa saameeyay xaafadaha Xaawo Taako iyo Kooshin, waxaana jira tiro dhismayaal oo ay ku jiraan goobo ganacsi oo qaraxaasi uu sababay inay burburaan.

Burburka dhismayaasha ayaa laga baadigoobaya, bal haddii ay jiraan cid uun nolol kaga badbaaday qaraxaasi, sida uu sheegay Gudoomiyaha Degmada Beledweyne.

Dadka dhibaatada ugu daran ee ku dhacday waa qoys deganaa agagaarka kontoroolka uu qaraxu ka dhacay, kuwaa oo sida la sheegay noqday wax dhinta iyo wax kaloo dhaawac ah.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, marka laga soo taggo in si dhow loola xiriirinayo mintidiinta Al Shabaab.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc