Home Wararka Maanta Macluumaad la xiriira: Qaraxyadii waaweynaa ee maanta ka dhacay Degmada Baardheere

Macluumaad la xiriira: Qaraxyadii waaweynaa ee maanta ka dhacay Degmada Baardheere

by Laacib

Qaraxyadan oo loo adeegsaday gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa maanta lagu weeraray xero ciidamada lagu tababaro oo ku taala Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Nin la socday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa beegsaday xeradaasi, iyadoo muddo kooban ka dibna uu dhacay qaraxii labaad, oo sidoo kale uu fuliyay nin watay gaari miineysan.

Qaraxyadan ayaa ahaa kuwo si weyn looga maqlay gebi ahaanba xaafadaha degmadaasi, iyadoona ay xigtay rasaas in doora ka dhaceysay gudaha degmada iyo bannaankeedaba, oo ciidamadu ay ridayeen.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkan, sida lagu baahiyay barraha afkooda ku hadla. Shabaabka ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen goob ay ku sugnaayeen Saraakiil Itoobiyaan ah iyo kuwo kaloo Soomaali ah.

Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda Gobolka Gedo, Cismaan Nuux Xaaji (Macalimuu) ayaa sheegay in ragga is qarxiyay ay si lama filaan ahayd ku soo weerareen xeradaasi.

“Nimankii nabadiidka ahaa waxay weerareen xero lagu tababarayay ciidamo dhibow ah, xeradaa iyada ah ayay qaraxyada ka dhaceen. Si lama filaan oo gaadmo ah ayay ku soo galeen meesha, laba gaari ayaana qaraxyadaasi gaysatay oo kala dambeysay.” Ayuu yiri Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda ee Gobolka Gedo.

“Waxaa la iska waardiyeen karaa ciidan xabad kugu soo ridaya, laakiin gaari uu wado qof naftii hallige ah oo aanan istaageynin lama ilaalin karo, baabuurtaas ayadoo ciidamada ay rasaas ku ridayaan ayay meesha galeen. Marka khasaare ayay gaysteen.” Ayuu yiri Gudoomiye Kuxigeenka.

Gudoomiye Kuxigeenka ayaa sheegay in qaraxyadaasi ay galaafteen nolosha toddobo qof, halka sideed iyo toban kalena ay ku dhaawacmeen.

“Hadda waxaa la ii sheegay toddobo qof oo dhimasho ah iyo dhaawaca sideed iyo toban qof.” Ayuu yiri Gudoomiye Kuxigeenka oo dhanka kale sheegay in dadka dhaawacmay ay saddex ka mid ah rayid yihiin.

Macalimuu ayaa beeniyay in qaraxa labaad uu dhacay, xilli ay goobta gaareen Maamulka Degmada Baardheere iyo weliba Saraakiisha Ciidamada.

“Inta aysan gaarin goobta ayuu qaraxa labaad dhacay, sidaas ayayna ku badbaadeen. Dadka hadda ay dhibaatada gaartay waa ciidankii dhibowga ahaa ee xeradaasi ku xareysnaa, waxaana Ilaahay mahadii ah in khasaaradooda ay yartahay, dhibkana sida ay u rabeen uma uusan dhicin nimanka nabadiidka, haddee waxay rabeen xeradaasi in dadka ku jiray ay baabi’iyaan, laakiin siday wax u rabeen uma aysan dhicin.” Ayuu yiri Macalimuu.”

Xerada la weeraray ayay muddo billo ahi siyaasiyiinta reer Gedo ee mucaaradsan Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ku diyaarinayeen ciidan deegaanka ah, oo sida ay sheegeen ka qayb qaadan doona wejiga 2aad ee hawlgalka dalka lagaga saarayo maleeshiyada Shabaabka.

14-kii bishii March ayay ahayd markii nin la socday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu weeraray Guriga Martida Baardheere, xilli ay ku sugnaayeen siyaasiyiinta mucaaradka oo markaasi diyaarinayay ciidamada cusub ee tababar haatan uga socdo degmadaasi.

Qaraxyadii maanta ayay burbur ka soo gaareen xarumo ganacsi iyo guryo ay dad shacab ahi degan yihiin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc