Home Wararka Maanta Macluumaad la xiriira: Qorshaha bilowga ah ee dib u soo celinta xiriirkii Somaliya iyo Ruushka

Macluumaad la xiriira: Qorshaha bilowga ah ee dib u soo celinta xiriirkii Somaliya iyo Ruushka

by Laacib

Dowladda Ruushka ayaa gadaal ka riixeysa dadaalo dib loogu soo celinayo xiriirkii Somaliya, taas oo aad mooddo in Dowladda Federaalka ay la dhacsan tahay.

Ruushka ayaa sheegay inuu doonayo in uu Somaliya ka taageeo la dagaalanka kooxaha argagixisada, si dib loogu soo celiyo xasilloonidii iyo amnigii dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka, Sergey Lavrov ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay inay Somaliya ka caawiso la dagaalanka kooxaha argagixisada iyo weliba dhanka saadka ee ciidamada.

Wasiirka oo socdaal ku maraya Afrikada Bari ayaa sheegay in ay Muqdisho ka taageeri doonaan, sidii ay dalka uga ciribtiri laheyd kooxaha argagixisada.

Wasiir Lavrov ayaa toddobaadkii hore Caasimadda Moscow ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Abshir Cumar Jaamac (Huruuse), kaas oo ay ka wada hadleen arrimo ay ugu muhiimsan yihiin xiriirka labada dal iyo sidii dib loogu hagaajin lahaa.

Lavrov ayaa sheegay in labada dal ay leeyihiin xiriir taariikhi ah, isla-markaana ay muhiim tahay in dib loo soo celiyo xiriirkoodii ku aaddanaa iskaashiga labada dhinac.

Illaa iyo hadda Dowladda Federaalka kama aanay hadlin soo jeedinta Ruushka, ee ah in uu diyaar u yahay in Somaliya ku garab-siiyo, sidii ay u soo afjari laheyd kooxaha hubeysan ee ka biyo diidan jiritaanka Dowladnimada Soomaaliyeed.

Tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dib ugu soo laabtay xafiiska, dowladdiisa ayaa wadday dadaalo ay taageero ugu raadineyso dagaalkan ay kula jirto kooxaha dagaalka kala soo horjeeda.

Xafiisyada Madaxweynaha, Raysal Wasaaraha Xukuumadda iyo kan Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa waxaa yaala dokumentiyo muujinaya in Villa Somalia ay daneynayso in dib loo soo celiyo xiriirkii Ruushka, inkastoo dowladda aysan weli si rasmi ah u caddeyn falcelinteeda ku aaddan soo jeedinta Ruushka, waxayse su’aal ka taagan tahay, sida Villa Somalia isugu wadi karto Ruushka iyo Mareykanka, oo siyaasad ahaan ku sii kala fogaaday colaadda Ukraine.

Mid ka mid ah Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan ayaa sheegay in Ruushka uu daba-yaaqadii bishii May u soo jeediyay Somaliya in uu ka taageero qalabka ciidamada iyo dagaalka ay qorsheysay in ay xididada ugu siibto kooxaha Islaamiyiinta.

Sidoo kale waxa uu sheegay wafdiga Wasiir Huruuse ee Moscow kula kulmay Wasiir Lavrov ay ka codsadeen in Ruushku uu codkiisu siiyo, marka xigta ee Golaha Ammaanka uu codka u qaadayo soo jeedinta Somaliya, ee ah in cunaqabateynta hubka ee saaran laga qaado.

Dalal ay ka mid yihiin Ruushka iyo Shiinaha ayaa bishii November ka aamusay codbixintii Golaha Ammaanka ee la xiriirtay, haddii xayiraadda hubka laga qaadayo Somaliya iyo haddii kaleba, markaas oo Dowladda Federaalka ay dalbaneysay inay galaangal u yeelato in ay dibadda ka soo iibsan karto hub casri ah, si loogu dardargeliyo dagaalka ay damacsan tahay inay kaga adkaato kooxaha argagixisada.

Mareykanka, Ingiriiska iyo dowlado kale ayaa xilligaasi taageeray in cunaqabateynta hubka ay sii saarnaato Somaliya, iyagoona muujiyay inaanan la gaarin xilligii xayiraddaasi laga qaadi lahaa.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabateyntaasi ku soo rogay Somaliya sanadkii 1992-kii, xilligaas oo dalku uu ka socday dagaal sokeeye, inkastoo xayiraadda hubka la dabciyay sanadkii 2013, si Ciidamada Qaranka looga caawiyo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Shabaabka, oo loo arkay khatarta ugu weyn ee ka jirta Qaaradda Afrika.

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Somaliya iyo Ruushka ayaa la filayaa inay daba-yaaqada bisha July ku kulmaan Magaalada St. Petersburg, oo lagu wado in uu ka furmo shirka Ruushka iyo Afrika. Shirka ayaana socon doono inta u dhaxeyso 26–29 bishaasi.

Ruushka ayaa mar ahaa saaxiibka ugu weyn ee Somaliya, walow ay labada dal kala fogaadeen, intii uu socday dagaalkii Somaliya iyo Itoobiya ee qarxay sanadkii 1977-kii, markaas oo Midowgii Soofiyeet ee Ruushka ugu tunka weynaa uu dhanka kale la soo saftay, taasna waxay keentay in Somaliya ay Ruushka ka ceyriso dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc