Home Wararka Maanta Macluumaad la xiriira: Socdaalka Korneyl Barre Hiiraale ee Gobolka Gedo

Macluumaad la xiriira: Socdaalka Korneyl Barre Hiiraale ee Gobolka Gedo

by Laacib

Korneyl Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo horey uga tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Axaddii gaaray Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.

Korneyl Barre Aadan Shire oo muddooyinkii ugu dambeysay ku sugnaa Magaalada Muqdisho, lagana hortaagnaa in uu ka dhoofo Garoonka Aadan Cadde ayaan la ogeyn sida uu ku gaaray gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Korneyl Barre Hiiraale uu ku wajahan yahay Degmada Baardheere, halkaas oo muddo billo ahi ay siyaasiyiinta reer Gedo ee mucaaradsan Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ku diyaarinayeen ciidan deegaanka ah, oo sida ay sheegeen ka qayb qaadan doona wejiga 2aad ee hawlgalka dalka lagaga saarayo maleeshiyada Al Shabaab.

Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ka mid ah Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa mar sii horreysay sheegay in ciidamadaasi aanay cid gaar ahi duulaan ka ahayn, marka laga soo taggo in dalka ka xoreynayaan sida uu yiri cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Al Shabaab.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Korneyl Barre Hiiraale uu qorsheynayo in ciidamadaasi ay la hawlgalaan Militariga Itoobiya, ee la filayo in ay ka qayb qaataan wejiga labaad ee hawlgalka. Dowladda Federaalka ayaa kol hore xaqiijisay in ciidamo ka socda dalalka safka hore ay ka taageeri doonaan hawlgalkan.

Ilo wareedyadu waxay sheegayaan in Korneyl Hiiraale uu damacsan yahay in ciidamadaasi ay qabtaan Magaalada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe, oo ku magacaaban Xarunta Dowlad Goboleedka Jubbaland, si mustaqbalka ay siyaasad ahaan ugula gorgortamaan Madaxweyne Axmed Madoobe.

Gudoomiyaha Degmada Luuq, Cali Kediye Maxamed ayaa walaac ka muujiyay imaanshaha gobolka ee Barre Hiiraale, isagoona ku eedeeyay inuu doonayo in gobolka uu ka abuuro garab saddexaad oo ka baxsan labada garab ee hadda isku haya gobolka. Gobolka ayaa waxaa horey ugu sugnaa garab siyaasiyiin ah oo taageersan Maamulka Jubbaland iyo garab kaloo ka soo horjeeda.

“Rag baa gobolka ka hortaagnaa Axmed Madoobe, Dowladda Federaalka baa gogol nabadeed wadday, dib-u-heshiisiintaas baa la wada sugayay, cid walbana ay sugeysay. Cid gobolka xoog ku soo geli karto ma jirto, cid jabhado ka abuuri kartana ma jirto.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Luuq.

Gudoomiyaha oo Warbaahinta la hadlay ayaa yiri “Waan ka digaynaa, waan ka digaynaa, cid gooni wax u qaban karto ma jirto, cid jabhado abuuri kartana ma jirto, taas nin kastoo isku dayo fashil baa ku imaanayo, fashilkaasi ciddii isku daydaa baana jawaabteeda qaadaneyso.”

Barre Hiiraale ayaan weli ka hadlin ujeedka uu xilligan u yimid gobolka, marka laga soo taggo in xubnaha ku dhow dhow oo laga soo xigtay in uu hoggaamin doono ciidamada lagu diyaariyay Baardheere.

Imaanshihiisa gobolka ayaa ku soo aadaysa, maalmo uun ka dib markii Garoonka Garbahaarey laga celiyay diyaarad uu la socday Gudoomiyaha cusub ee Madaxweynaha Jubbaland u soo magacaabay gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc