Home Dhacdooyin Macluumaad la xiriira: Toogashada ka dhacday Xerada General Gordon ee Muqdisho

Macluumaad la xiriira: Toogashada ka dhacday Xerada General Gordon ee Muqdisho

by Laacib

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar toogasho oo xalay fiidkii ka dhacay Xerada Tababarka General Gordon ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in nin askari ahi uu si toos ah u beegsaday tababareyaal u dhashay dalalka Emirate-ka Carabta iyo Bahrain, xilligii Salaadda Maqribka la tukanayay.

Xeradan oo ku taala Waddada Warshadaha ayaa laga maqlay rasaas xoogan, waxaana soo baxaya warar sheegaya in ilaalada xeradaasi ay markii dambe toogteen askarigii toogashada gaystay.

Wax badan lagama oga waxa uu ahaa askarigaasi, balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu ka mid ahaa ciidan loo qaatay in si gaar ahi loo tababaro.

Inkastoo Dowladda Somaliya aysan wax faah faahin ah ka bixin khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee toogashada ka dhashay, haddana ilo wareedyo ayaa sheegaya in toogashada lagu dilay afar Sarkaal, tiro kalena ay ku dhaawacantay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo dhaawacyada ku booqday Isbitaalka Erdogan (Ex Digfeer) ayaa ka tacsiyeeyay Saraakiisha halkaasi lagu dilay.

“Innaa lilaahi wa innaa ileeyhi raajicuun. Dawladda iyo Shacabka aan walalaha nahay ee Imaaraadka Carabta waxaan uga tacsiyeynaynaa saraakiisha ku naf waayey weerarka argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Muqdisho, Saraakiishaas oo u yimid dalkeenna in ay ka qayb qaataan dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.” Ayuu Madaxweynuhu ku sheegay war qoraal ah oo xafiiskiisa ka soo baxay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laamaha amniga ka dalbaday inay baaritaan ku sameeyaan dhacdadan.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka ka dhacay Xerada General Gordon ee Magaalada Muqdisho.

Waa toogashadii ugu horreysay ee ceynkeeda ah oo ka dhacda gudaha xeradaasi, tan iyo markii xeradaasi loogu magac-daray General Maxamad Ibraahim Faarax (Gordon), Taliyihii Guutada 5aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, muddo haatan laga joogo sagaal sano.

General Gordon ayaa 29-kii bishii October ee sanadkii 2012 ku dhintay weerar ay maleeshiyada Al Shabaab ka gaysteen deegaanka Buufow ee duleedka Magaalada Marka, waana laba bilood uun ka dib markii Shabaabka laga saaray Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose ee Magaalada Marka. Allaha u naxariistee General Gordon ayaa laf dhabar u ahaa hawlgalkii militari ee bishii August ee sanadkaasi Shabaabka looga la wareegay gacan ku haynta magaaladaasi.

Dowladda Emirate-ka Carabta ayaa Villa Somalia ka taageerto arrimaha amniga iyo dib-u-dhiska ciidamada, waana mid ka mid ah dalalka haatan dhaqaalaha ugu badan ku bixiya xoojinta iyo tayayntooda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc