Home Dhacdooyin Macluumaad la xiriira: Weerarka Hotel Pearl Beach ee Muqdisho + SAWIRRO

Macluumaad la xiriira: Weerarka Hotel Pearl Beach ee Muqdisho + SAWIRRO

by Laacib

Waxaa degan xaaladda Hotelka Pearl Beach ee Magaalada Muqdisho, ka dib weerarkii ay xalay ka gaysteen dableyda maleeshiyada Al Shabaab ka tirsan.

Ciidamada Dowladda ayaa goor dambe oo xalay ahayd soo geba-gabeeyay weerarkaasi, ka dib muddo sideed saacadood oo xiriir ah oo ay kula dagaalamayeen dableydii weerarka soo qaadday.

Weerarka ayaa ku bilowday qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay afaafka hore ee hotelkaasi. Goobjoogeyaal ayaa sheegay in nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa uu isku qarxiyay bannaanka hore ee hotelkaasi, ka dibna ay gudaha u galeen dabley hubeysan.

Hotelka ayaa waxaa ka muuqanaya saameynta uu ku yeeshay weerarkaasi, iyadoona uu burbur soo gaaray dhismaha hotelkaasi. Jewiga hotelka ayaana ka garan kartaa, sida uu maanta kaga bedelan yahay maalmo ka hor sida uu ahaa.

Dadweyne fara-badan ayaa saakay isugu soo baxay afaafka hore ee hotelkaasi, kuwaa oo tan iyo xalay baadigoob ugu jiray xubno ka mida qoysaskooda, oo markii ugu war dambeysay ku sugnaa hotelkaasi.

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in 7 nin oo ka tirsan maleeshiyada Shabaabka ay weerar naf la caari ah ku soo qaadeen hotelkan. Taliska ayaa war qoraal ah ku sheegay in weerarka ay ku dhinteen 6 qof oo rayid ah, 10 kalena ay ku dhaawacmeen, ciidamada amnigana ay kaga geeriyoodeen 3 askari.

Pearl Beach oo isugu jira hotel iyo maqaaxi laga cunteeyo, kuna yaala Xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis ayaa weerarka lagu qaaday waxa uu bilowday abaare 8:00pm fiidnimo.

Weerarka ayaa dhacay fiidnimo Jimce ah, oo dadku ay ka nasanayeen shaqooyinkooda. Maalmaha Jimcaha ayay dadka reer Muqdisho waqti nasiino ah ku qaataan goobaha bilicda indha qabadka leh ee magaalada.

Dhismaha hotelkan ayaa loo dhisay qaab casri ah, iyadoo ayna dadku jecel yihiin inay waqti madadaalo iyo nasiino lehba ku qaataan maalmaha fasaxa.

Warbaahinta ayaa fahamsan in weerarka lagu qaaday uu ka dambeeyay, ka dib markii maamulka hotelkaasi ay iska diideen inay dhaqaale siiyaan maleeshiyada Al Shabaab.

Ganacsatada xarumaha ganacsi ku leh aagga Xeebta Liido ayaa u badan kuwo ka dhega adeygay awaamiirta kooxaha argagixisada, ee ah inay bixiyaan lacagaha ay ka doonayaan.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii saddexaad ee ay Shabaabku ku qaadaan hotel ku yaala Caasimadda Muqdisho, tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xafiiska dib ugu soo laabtay sanadkii hore.

Mintidiinta ayaa 19-kii bishii August weerar ku galay Hotel Xayaat oo ku yaala agagaarka Isgoyska KM4, halka weerarkii xigayna ay 27-kii bishii November ka gaysteen Hotel Villa Rays oo dacalka ku haya Xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Weerarka Hotel Pearl Beach ayaa imaanaya, xilli dhowrkii bilood ee ugu dambeysay is bedel dhanka amniga ah laga dareemay magaalo madaxda dalka ee Muqdisho.

Inkastoo Muqdisho ay muddo billo ahi ka nasatay weerarada ceynkani oo kale ah, haddana waxa uu weerarkani muujinaya in argagixisadu ay weli weeraro hor leh ka gaysan karto magaalada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc