Home Wararka Maanta Madaxa ATMIS “Ciidamada Somaliya way ku filan yihiin amniga goobaha ay la wareegayaan”

Madaxa ATMIS “Ciidamada Somaliya way ku filan yihiin amniga goobaha ay la wareegayaan”

by Laacib

Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya ahna Madaxa Ciidanka Nabad Ilaalinta ee Hawlgalka ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay ku filan yihiin amniga dalka, xilli uu maanta ku dhawaaqay in hawlgalkooda uu soo geba-gabeeyay wejiga koowaad ee qorshaha ka bixitaanka Ciidanka ATMIS ee dalka, oo dalka lagaga saaray laba kun oo askari.

Ciidanka ATMIS ayuu qorshuhu yahay inay si guud amniga dalka ugu wada wareejiyaan Ciidanka Xoogga Dalka bisha December ee sanadka 2024, inta ka horeysana ay tahay in Taliska ATMIS uu si tartiib tartiib ah u dhimo amaba yareeyo tirada ciidamada ka jooga dalka.

Wakiilka Midowga Afrika oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Taliska ATMIS, Qaramada Midoobey iyo Dowladda Federaalka ay kormeer ku sameeyeen goobaha ay ciidamadu la wareegayaan, isla-markaana ay ku kalsoon yihiin inay ku filan yihiin amniga goobahaasi.

Wakiilka ayaa meesha ka saaray walaaca isa soo taraya ee ay dadka qaarkii ka muujinayaan qorshaha lagu dhimayo tirada Ciidanka ATMIS, sababtuna tahay in Ciidanka Xoogga Dalka aanay weli haysan qalab in ku filan, maleeshiyada Shabaabkana ay kordhiyeen weeraradooda. Dowlad Goboleedka Jubbaland oo kale waxay ka hortimid tallaabada dalka looga saarayo Ciidanka ATMIS.

“Dadka arrintani walaaca ka muujinaya waxaan leenahay, waxaa na laga codsaday inaanu ka shaqayno hawl gaar ah oo la inoo dhiibay, waxaanu ognahay in Dowladda Somaliya iyana la siiyay howlo gaar ah. Midka koowaad oo ahaa inay abuuraan ciidan xoog leh, waxayna abuureen ciidamo ku filan, ciidamadaas ayaana awood u leh inay kala wareegaan ATMIS waajibaadka amniga, waxaanu sameynay dhowr kormeer oo ay sameeyeen ATMIS, Qaramada Midoobey iyo Dowladda Federaalka, waxaana ku kalsoonahay in ciidankaas ay awood u leeyihiin gudashada waajibaadkooda.” Ayuu yiri Danjire Mohamed El-Amine Souef.

Ciidanka ATMIS oo ka koobnaa 18,568 askari ayaa samayn doona dhimis kale bisha September ee sanadkan iyo bisha June ee sanadka 2024, waxaana xigi doona wejigii ugu dambeeyay ee ka bixitaankooda dalka oo la samayn doono 31-ka bisha December ee 2024.

Ciidanka Midowg Afrika ee dalka ku sugan ayaa Dowladda Federaalka ka taageera arrimaha amniga iyo hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab. ATMIS oo horey loo oran jiray AMISOM ayaa dalka ku sugan, tan iyo bishii March ee sanadkii 2007-dii.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc