Home Wararka Maanta Madaxa VOA Somali, Cabdiraxmaan Yabarow oo abaalmarin lagu guddoonsiiyey Minnesota

Madaxa VOA Somali, Cabdiraxmaan Yabarow oo abaalmarin lagu guddoonsiiyey Minnesota

by Laacib

Madxafka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ee Minnesota ayaa abaalmarinno guddoonsiiyay shakhsiyaad uu ka mid ahaa, madaxa laanta Af-Soomaaliga ee VOA, Cabdiraxmaan Yabarow.

Yabarow, oo ah suxufi rug caddaa ah ayaa abaalmarinta loogu magac-daray “Halyeyga” ku guddoomay xarunta ay munaasabadda ka dhacday oo ay xaadir ku ahaayeen boqolaal qof oo u badnaa Soomaalida ku nool Gobolka Minnesota. “Abaalmarintan waxay ka dhigan tahay oo ay qireysaa waxqabadkeygii inta aan kusoo jiray warbaahinta, iyo VOA-da oo ay dadka igu xasuustaan dhowr iyo tobanki sano ee u danbeeyay ee aan madaxda ka ahaa. Sidoo kale guushan waa mid u soo wada hoyatay dhammaan shaqaalaha VOA, kuwa jooga Washington iyo kuwa dunida daafaheeda ku baahsan.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan Yabarow.

Cabdiraxmaan Yabarow oo Warbaahinta ka soo bilaabay Radio Muqdisho todobaatameeyadi ayaa u guuray Mareykanka, bilowgii siddeetamaadki.

Marka laga yimaado tacliinta u ku qaatay Mareykanka, wuxuu door ka ciyaaray horumarinta saxaafadda Soomaaliya, isaga oo u soo shaqeeyay idaacadaha caalamiga ah ee kala ah BBC-da laanteeda Af-Soomaaliga iyo Voice of America.

Wuxuu hormuud u ahaa saxafiyiintii lagu furay qaybta Soomaaliga ee VOA, oo uu marki dambena madax ka noqday sannadki 2009-ki.

Tan iyo xilligaasi, waxa uu VOA Somali gaarsiiyay in ay noqoto Warbaahinta loogu dhageysiga badan yahay Somaliya iyo guud ahaan dhulka ay Soomaalidu degto ee Bariga Africa.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc