Home Wararka Maanta Madaxda Dowladda Federaalka oo cadaadis ku haya laamaha amniga, si cid loogu ciqaabo weerarkii SYL Hotel

Madaxda Dowladda Federaalka oo cadaadis ku haya laamaha amniga, si cid loogu ciqaabo weerarkii SYL Hotel

by Laacib

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal Wasaaraha Xukuumadda, Xamse Cabdi Barre ayaa siyaabooyin kala duwan Isbitaalka Erdogan ugu booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii habeen hore ka dhacay Hotel SYL ee Magaalada Muqdisho.

Isbitaalkan ayaa waxaa la geeyay qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarka, oo ay ku jiraan xubno ay ka mid yihiin Xildhibaano, Afhayeenka Xukuumadda, Farxaan Maxamed Jimcaale iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Faysal Caraale Afrax.

Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha ayaa dhakhaatiirta ka dhageystay warbixino la xiriira xaaladda caafimaad ee dhibaneyaasha.

Madaxda Dowladda Federaalka oo mid mid u dul istaagay bukaanada ayaa Alle uga baryay in caafimaad degdeg ah uu siiyo.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tegay Xarunta Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa Saraakiisha ka dhageystay warbixin horudhac ah oo ku aaddan xogta weerarka.

Wararka ayaa sheegaya in laamaha ammaanka ay wadaan baaritaano ay ku uruurinayaan, sida uu weerarka u dhacay iyo sida ay Shabaabkii weerarka soo qaaday ku soo gaareen SYL Hotel oo ku yaala goob amnigeeda si weyn loo ilaaliyo, oo ah xeendaabka Villa Somalia.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in labada xafiis ee dalka ugu sarreya ay hay’adaha ammaanka ka doonayaan macluumaad sax ah, si cid loogu ciqaabo dayac amni oo la tuhunsan yahay inuu dhacay.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay saddex askari, halka 27 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, oo isugu jira 18 shacab ah iyo 9 askari, sida uu sheegay Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Korneyl Qaasim Axmed Rooble.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii 4aad ee ay Shabaabku ku qaadaan hotel ku yaala Muqdisho, tan iyo dib u doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Hoteeladii ugu dambeeyay ee la weeraray ayaana kala ah Pearl, Villa Rays iyo Xayaat.

Ka dib weerarkii Hotel Xayaat oo dhacay bishii August ee sanadkii 2022, Raysal Wasaare Barre ayaa xilligaasi ku hanjabay in dowladdu ay tallaabo adag ka qaadi doonto kuwa ku guuldareystay in waajibaadkooda ay gutaan.

Raysal Wasaare Barre ayaa intaasi ku daray in lala xisaabtami doono cid kasta, oo ay ku cadaato inay howsheeda dayacday, isagoona markaasi yiri “Lama aqbali karo in wixii dhacay oo kale nagu soo laabtaan.”

Hadalka adag ee Barre uu xilligaasi jeediyay oo sidii caadada ahayd aanu ficil muuqdo ka dambayn ayaa keentay in weerarada hoteelada ay halkoodii ka sii socdaan.

Shabaabka ayaa muddo dhowr iyo toban sano ah weeraro ku haya Hoteelada Magaalada Muqdisho.

Dowladihii kala dambeeyay ee dalka soo maray ayaa lagu dhaliilaa inaanay waxba ka baran weerar illaa weerar kale, waxaana dhif iyo naadir ah in cid loo maxkamadeeyo amaba ay xilkeeda ku weydo weerarada abaabulan ee Al Shabaab.

Si kastaba ha-ahaatee Madaxda Qaranka ayaa hadda la eegaya tallaabooyinka ay qaadi doonaan, kolka dhowrka cisho ee soo socdo la soo gaarsiiyo natiijada baaritaanka socda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc