Home Wararka Caalamka Madaxda Israel oo ay ka dhex tolan tahay (Khilaafkooda oo gaaray meel adag)

Madaxda Israel oo ay ka dhex tolan tahay (Khilaafkooda oo gaaray meel adag)

by Laacib

Madaxda Israel oo muddooyinkii ugu dambeysay ku kala qaybsanaa qaabka loo wajahayo dagaalka ka socda Marinka Gaza iyo qorshe la’aanta, haddiiba dagaalka looga guuleysto Ururka Xamaas, cidda maamuli doonta ayuu khilaafkoodu gaaray meeshii ugu sarreysay.

Benny Gantz oo ka mid ah Golaha Wasiirada Israel ee dagaalka ayaa ku hanjabay in uu ka bixi doono Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, haddii aysan wax qorshe ah ka yeelan Gaza, dagaalka ka dib.

Benny Gantz ayaa Raysal Wasaaraha Israel ku eedeeyay in uu ku miigan yahay uun sii socoshada dagaalka, iyadoo aysan jirin wax qorshe ah, xilli sida uu muujiyay uu jiro dhiigbax ay wajahayaan ciidamadu.

Waxa uu sheegay in Raysal Wasaaraha ay hoggaanka u hayaan Xubnaha Xisbiga Midigta Fog, kuwaa oo xukuumadda ku hoggaaminaya dagaal wax natiijo iyo hadaf ah aan toona lahayn.

“Tiro yar oo uu la saftay ayaa hoggaanka u qabtay. Dowladda Israel waxay ku socotaa dhegaxaan.” Ayuu yiri ninka ka tirsan Golaha Wasiirada ee dagaalka. Golahan ayaa la sameeyay maalmo uun ka dib weerarkii Xamaas ay 7-dii October ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho.

“Netanyahu oo ah hoggaamiye iyo muwaadin Israeli ah ayaa u suurtageliyay inay sidaas sameeyaan, isaga oo danihiisa gaarka ah iyo kuwa siyaasadeed ka hormarinaya baahiyaha jira.” Ayuu yiri Benny Gantz.

Waxa kaloo uu yiri “Haddii aad doorataan dariiqa xagjirnimada oo aad ummadda oo dhan u horseeddaan inaad haadaan ka tuurtaan, waxaa na lagu khasbi doonnaa inaan ka tagno dowladda.”

Isagoo xalay ka hadlayay shir jaraa’id ayuu sheegay in Xisbigiisa Dhexe uu ka bixi doono xukuumadda wadaagga ah, haddii Netanyahu uu ku guuldareysto inuu soo bandhigo qorshaha dagaalka ka dib ee Gaza, marka la gaaro 8-da bisha soo socoto ee June. Haddii ninkan uu xisbigiisa kala baxo xukuumadda shuraakada ah ayaa waxaa khasab ah in la qabto doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay, taasina waxay Netanyahu ku tahay gantaal gubaya laabtiisa.

Ninkan oo horey u soo noqday Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidamada ayaa ugu yeeray Golaha Wasiirada inay ogolaadaan qorshe lix qodob ka kooban, oo lagu saleynayo go’doominta aragtida maamulka, marka khilaafku uu dhammaado.

Qorshaha Gantz ayaa ku baaqaya in la sii daayo la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza, waddo kasta oo loo maraba iyo in la sameeyo isbahaysi caalami ah, oo ka kooban Mareykanka, Yurub, Dowladaha Carabta iyo Falastiiniyiinta, si ay u kormeeraan arrimaheeda madaniga ah, go’aana ay uga gaaraan mustaqbalka cidda maamuleysa. Qorshaha Gantz ayaa ah inaysan Israel maamuli karin Marinka Gaza, xitaa haddii Xamaas laga adkaado.

Gantz ayaa Netanyahu ku dhaliilay in kulamadii ugu dambeeyay ee ay yeesheen uu waxba ka maqli waayay, si aragti mideysan looga qaato dagaalka Gaza amaba in heshiis lala gaaro Xamaas, balse uu soo jeedintiisa isaga indha tiray, isaga oo u xaglinaya dhanka siyaasiyiinta mayalka adag.

Ka dib markii Bariga Dhexe ay dib uga soo cusboonaatay colaadda Falastiiniyiinta iyo Ciidamada Israel, Gantz ayaa loo arkayay ninka ugu dhow Raysal Wasaare Netanyahu, waxaana uu ahaa Hoggaamiyaha Mucaaradka, ka hor inta uusan bishii October ku biirin Golaha Wasiirada ee dagaalka.

Hadalkiisan ayaa dabka ku sii shidaya is qabqabsiga muddooyinkanba ka dhex jiray Madaxda Israel, ka dib markii ay ku kala qaybsameen in la qaato heshiiska xabad joojinta Gaza iyo in la sii wado dagaalka lagu wiiqayo Xamaas.

Eedeymaha Gantz ayaa cadaadiska ku kordhinaya Netanyahu, iyada oo ay kordheyso dhalleeceynta gudaha iyo dibadda ee siyaasaddiisa Gaza.

Gantz ayaa horaantii sanadkan ku aragti noqday Mareykanka iyo Midowga Yurub, oo ka soo horjeeda fekradaha xagjiriinta ee Netanyahu uu ku sii wadaayo dilka iyo gaajeysiinta ee dadka rayidka ah, taas oo aan wax guul ahi lagu gaari karin in la laayo qoysas dhan oo aan waxba galabsan.

Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant oo xubin ka ah Xisbiga Netanyahu ee Likud ayaa qudhiisa Khamiistii ku baaqay in loo baahan yahay in Israel aysan wax lug ah ku yeelan Maamulka Marinka Gaza, marka dagaalkan uu dhammaado.

Farriimaha labada nin ee ugu saamaynta badan golaha dagaalka ayaa ka dhigan in hadda ay shacabkooda u sheegeen in Netanyahu uu horseedayo masiibo.

Netanyahu oo iska fogeeyay eedeymaha Gantz ayaa sheegay in uu isagu diiradda saarayo, sidii uu uga adkaan Xamaas, doorashadana ay ka weecin doonto guusha dagaalka.

Wasiirka Amniga Israel, Itamar Ben-Gvir ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Otzma Yehudit ayaa Gantz ku shabadeeyay qiyaanoole ku dhex jira Dowladda Israel, waxaana uu ku baaqay in ninkaasi laga qabto Israel.

Ben-Gvir waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah siyaasiyiinta ugu mayalka adag ee qaybta ka ah xukuumadda la wada leeyahay.

Dhanka kale Hoggaamiyaha Mucaaradka Israel, Yair Lapid oo xalay ka qaybgalay mudaaharaadyo ay qoysaska ku dalbanayaan in dib loogu soo celiyo dadka looga haysto Marinka Gaza ayaa wacad ku maray in uu ka shaqayn doono ridista xukuumadda iyo dib u soo celinta la haysteyaasha.

Yair Lapid oo horey u soo noqday Raysal Wasaare ayaa Xukuumadda Raysal Wasaare Netanyahu ku tilmaamay middii ugu xumeyd ee taariikhda Israel.

Buuqa iyo guuxa weyn ee ka jira Israel ayaa ah mid lagu cambaareynayo siyaasiyiinta mayalka, kuwaa oo lagu eedeynayo inaysan dooneyn in la soo afjaro duulaanka Marinka Gaza iyo inaysan wax qorshe ah ka lahayn cid iyaga ka madaxbannaan oo maamusha Gaza, marka uu dhinac uun u dhaco dagaalka.

Si kastaba ha-ahaatee khilaafka weyn ee ka dhex taagan Madaxda Israel ayaa imanaya, xilli Warbaahinta ay warineyso in Ciidamada Israel ee ka dagaalamaya Marinka Gaza ay dhexda uga jiraan cadaab.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc