Home Wararka Caalamka Madaxda Mareykanka iyo Shiinaha oo heshiis gaaray

Madaxda Mareykanka iyo Shiinaha oo heshiis gaaray

by Laacib

Madaxda Mareykanka iyo Shiinaha ayaa ku heshiiyay inay dib u soo celiyaan xiriirkoodii militari, oo muddooyinkii ugu dambeysay xumaa.

Tani ayaa qayb ka ah dadaalada lagu doonayo in meesha lagaga saaro xiisadda sii kordheysa ee labada dal, sida uu sheegay Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden.

Madaxweynaha Mareykanka oo dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping ku qaabilay Magaalada San Francisco ayaa sheegay in labada dal ay hadda si toos ah u wada xiriiri karaan, taas oo sahleysa sida uu yiri in dhibaatooyinka la xaliyo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Hoggaamiyaha Shiinaha ay ku heshiiyeen in la sameeyo khad teleefan, oo ay si toos ah ugu wada xiriiri doonaan.

Waxa uu sheegay in labada dal uu tartan ka dhaxeeya, ha yeeshee loo baahan yahay in meel dhexe la isugu yimaado, iyadoo markaasi danaha labada dhinac laga wada shaqeynayo.

“Waxaa naga dhaxeeya xiriir tartan ku dhisan, balse masuuliyadayada ayaa ah in arrintan aynu ka dhigno mid caqli ku dhisan oo la maamuli karo, si uusan khilaaf u dhalan, taasina waa waxa aan ka hadlayo oo ah in la helo meel aanu isugu nimaano, oo aan ka helno danaha labada dhinac.” Ayuu yiri Madaxweyne Biden.

Xi Jinping, Madaxweynaha Shiinaha oo ka barbar hadlayay Madaxweyne Biden ayaa sheegay in Beijing ay dooneyso xiriir wanaagsan oo Washington ay la yeelato.

Waxa uu sheegay inaanan loo baahnayn in Shiinaha iyo Mareykanka loo arko kuwo uu tartan ka dhaxeeyo, taasi bedelkeedana ay labada dal ka wada shaqeeyaan xiriir is ixtiraam ku dhisan.

“Haddii aynu u aragno in midba midka kale uu tartan kula jiro, caqabadaha ballaaran ee juqraafi siyaasadeedka iyo khataraha nagu soo fool leh, waxay horseedi doontaa siyaasad khaldan, ficil khaldan iyo natiijooyin aan loo baahnayn.” Ayuu yiri Madaxweynaha Shiinaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale yiri “Shiinuhu waxa uu diyaar u yahay in uu bahwadaag iyo saaxiib uu la noqdo Mareykanka. Mabda’a aasaasiga ah ee aynu raacayno, si aanu u maarayno xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka waa inuu noqdaa mid ku dhisan ixtiraam, nabad ku wada noolaasho iyo iskaashi wadareed guul ku dhisan.”

Xiriirka labada dal ayaa xumaaday, ka dib booqashadii Nancy Pelosi, Afhayeenkii Aqalka Wakiilada Mareykanka ay bishii August ee sanadkii hore ku tegtay Jasiiradda Taiwan.

Shiinaha ayaa Taiwan u arka gobol ka tirsan dhulweynaha Shiinaha, balse si iskiis ah isku maamula.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc