Home Wararka Maanta Madaxda Qaranka oo doonaya inay iska meeraan fadeexaddii ka qabsatay weerarkii Hotel SYL

Madaxda Qaranka oo doonaya inay iska meeraan fadeexaddii ka qabsatay weerarkii Hotel SYL

by Laacib

Madaxda Dowladda Federaalka ayaa ku soo baraarugay weerarkii maleeshiyada Al Shabaab ay habeenkii Khamiista ka gaysteen Hotel SYL, oo aan sidaasi uga fogeyn Xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal Wasaarihiisa Xamse Cabdi Barre ayaa kulamo kala duwan la yeelanaya Saraakiisha laamaha amniga, si ay hay’adaha ammaanka ugu la xisaabtamaan wixii dhacay.

Madaxda Qaranka ayaa qaba shaki ku aaddan in maleeshiyada Shabaabka laga la shaqeeyay weerarkaasi amaba uu jiro dayac amni, isla-markaana ay laamaha amniga ka rabaan baaritaan dhameystiran, si loo helo in cidi ay masuuliyadda qaaddo, sharcigana ay u wajahdo.

Wararka ayaa sheegaya in madaxdu ay doonayaan in ay iska meeraan, oo ay iska dhaqaan fadeexadda ka qabsatay weerarkaasi oo dadka qaarkii ay u fasirteen in Shabaabku ay weli ku dhex milan yihiin hay’adaha dowladda.

Madaxda ayaa fahamsan in weerarkan ugu dambeeyay iyo kuwa kale ee la midka ah ay carqaladeynayaan waxa ay caalamka ka iibinayaan, ee ah in ay wax weyn ka qabteen xaaladda amni ee dalka iyo dagaalka dalka looga sifeynayo kooxaha argagixisada.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in labada xafiis ee dalka ugu sarreya ay garowsan yihiin in sababta ay Shabaabku u beegsadeen xeendaabka Villa Somalia ay tahay mid ay ku suurad xumeynayaan horumarkii la sameeyay.

Shabaabka ayaa laga cabsi qabaa inay si fudud ku weerari karaan hoteelada kale ee magaalada, marba haddii ay galaangal u yeesheen inay gaaraan SYL Hotel, marka aad milicsato goobta uu ku yaalo oo ka mid ah goobaha ugu ilaalada adag ee caasimadda, tanina waxay dib u soo cusbooneysiinaysaa dareenkii ay maamulada hoteelada ka qabeen dhanka Al Shabaab, gaar ahaan kuwoodii horaan iska diiday in ay canshuurta siiyaan. Inta badan maamulada hoteelada oo u hoggaansamay awaamiirta hay’adaha ammaanka ayaa la sheegaa in ay joojiyeen canshuurtii ay siin jireen Al Shabaab.

Ilo wareedyada waxay kaloo sheegayaan in Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Wasiirka 1aad ee Xukuumadda ay ka go’an tahay in la ciqaabo cid kastoo lagu helo inay fududeysay amaba ka gaabisay waajibaadkii loo igmaday.

Kuwa lagu helo ku lug lahaanshaha weerarka amaba lagu soo caddeeyo in dayaca uu dhankooda ka yimid ayaa xarig mudan kara, waxay sidoo kale ku waayi karaan shaqadii ay qaranka u hayeen.

Su’aalaha ku gadaaman, sida uu weerarkaasi u dhacay ayaa khasab kaga dhigtay madaxda inay diiradda saaraan in la sameeyo baaritaano lagu kalsoonaan karo.

Hotelkan oo si weyn ammaankiisa loo ilaaliyo, ayna ka horreyan barro kontorool oo amniga lagu hubiyo ayaa goobta uu ku yaalo aysan ka gudbi karin gaadiidka ay la socdaan dadka aan wadan aqoonsiyada ama ID kaarada Dowladda Federaalka.

Madaxda Qaranka ayaa la sheegaya in ay doonayaan isbedel dhab ah, si aanay Shabaabku dib dambe wax weerar ah uga gaysan goobta loo yaqaano aagga cagaaran ee aadka loo ilaaliyo iyo guud ahaanba magaalada, iyagoo ka duulaya aragtida ah, haddii uu hagaago amniga Muqdisho uu hagaagi doono amniga guud ee dalka.

Weerarkan oo ay Al Shabaab sheegatay ayaa ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ninkii kaxeynayay uu isku qarxiyay bannaanka hore ee hotelka, ka dibna ay gudaha u galeen dabley hubeysan oo toogasho ka gaystay hotelkaasi.

Inta la ogyahay 3 askari ayaa ku dhimatay weerarka, halka 27 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaa oo 9 ka mid ah ay askar yihiin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc