Home Wararka Maanta Madaxda Urur Goboleedka IGAD oo is afgarad ka gaaray arrimo la xiriira Somaliya

Madaxda Urur Goboleedka IGAD oo is afgarad ka gaaray arrimo la xiriira Somaliya

by Laacib

Shirka Madaxda Urur Goboleedka IGAD ee ka qabsoomay Magaalada Djibouti ee Xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti, si dhowna looga hadlayay xaaladda murugsan ee dalka Suudaan ayay haddana madaxdii shirkaasi ka qaybgashay ay is afgarad ka gaareen arrimo ku aaddan Somaliya.

Villa Somalia ayaa sheegtay in Shirka Meertada 14aad ee IGAD ay madaxdu isku afgarteen in Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD uu noqdo muwaadin Soomaaliyeed, oo ay soo magacaabeyso Dowladda Federaalka, halka muddo 4 sano ahna xilka loo kordhiyay Workneh Gebeyehu, oo ah Xoghayaha haatan ee IGAD.

“Madaxda IGAD ayaa bogaadiyay guulaha laga soo hooyay dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al Shabaab, iyagoo sidoo kalena ku baaqay in Somaliya laga qaado cunaqabateynta hubka, taas oo caqabad ku ah dagaalka Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliya ay kula jiraan kooxaha argagixisada.” Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Villa Somalia.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Madaxda IGAD ay Beesha Caalamka ugu baaqeen in Dowladda Soomaaliyed taageero dhaqaale mid siyaasadeedba lagu siiyo meelmarinta go’aanadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran (Madaxda Dowladda Federaalka Somaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada), ee ku aaddanaa jiheynta hannaanka doorashooyinka ee dalka.

Madaxda IGAD ayaa dhinacyada Laascaanood ugu baaqay in ay si degdeg ahi dagaalka u joojiyaan, isla-markaana ay wada hadal ku dhammeeyaan wixii khilaaf ah ee jira.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc