Home Wararka Maanta Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo xal u raadineysa colaadda beelaha Diinsoor

Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo xal u raadineysa colaadda beelaha Diinsoor

by Laacib

Ka dib dhowr bilood oo xiisad ay u dhaxeysay laba beelood oo wada dega Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa toddobaadkii hore bilowday inay markaan u istaagto, sidii ay u xalin lahayd colaadda beelahaasi.

Madaxtooyada ayaa wafdi heer Wasiir iyo Saraakiil ciidan u dirtay Degmada Diinsoor, kuwaa oo dhowr maalmoodba ku sugan degmadaasi, iyagoona wada dadaalo ay isugu soo dhaweynayaan, laguna soo afjarayo colaadda labadaasi beelood.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed, Cabdullaahi Xaaji Xasan, oo ay wehlinayaan Wasiirada Amniga & Warfaafinta iyo xubno kale oo Saraakiil ciidan ay ku jiraan ayaa kulamo la leh Maamulka Degmada Diinsoor iyo odayaasha beelaha.

Wasiirada oo ay la socdaan Saraakiil uu ka mid yahay Taliyaha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhabo) ayaa uruurinaya xogaha ku aaddan, waxa keenay in beeluhu ku dagaalamaan degmada iyo waxa ay kala tabanayaan, si looga baaqsado isku dhac dambe oo dhexdooda ah.

Odayaasha beelaha ayaa bogaadiyay dadaalada uu maamulku ku doonayo in xalka loogu helo colaadda labada beelood, inkastoo Madaxtooyada Koonfur Galbeed lagu dhaliilay inay ka gaabisay in si dhakhsa ah ay beelahaasi u kala dhex gasho.

Gudoomiyaha Degmada Diinsoor, Cismaan Macalin Cabdi oo ka hadlayay wafdiga ku sugan degmadiisa iyo ujeedada socdaalkooda ayaa sheegay in safarkooda uu la xiriiro, sidii loogu kala dab qaadi lahaa beelaha ay dhiiladu u dhaxeyso.

“Ujeedada socdaalka wafdiga waa inay dersaan khilaafka labada beelood ee ka taagan Degmada Diinsoor, dhex galaan, isla-markaana ay xaliyaan.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha oo sii hadlayay ayaa yiri “Waxaan Ilaahay ka rajeynaynaa sida ay u soo baxeen in Ilaahay uu wax noogu hagaajiyo, in badan ayaana idin sugeynay xaqiiqdii, shacabkana way idin sugayeen, dadka dhibaatada dhex taalana in badan ayay idin sugayeen.”

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Cabdiqaadir Maxamed ayaa odayaasha beelaha iyo bulshada degmadaba u sheegay inay ka go’an tahay in colaaddan ay soo afjaraan, iyana ay ka doonayaan inay la qaataan.

Cabdullaahi Xaaji Xasan, Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed ayaa dhankiisa sheegay in hadafkoodu uu yahay in xal waara laga gaaro colaadda beelaha is haya.

Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Cabdifitaax Cali Yuusuf ayaa bulshada reer Diinsoor ku bogaadiyay in ay nabadda ka wada shaqeeyaan.

Colaadda labadan beelood ayaa salka ku haysa arrimo is biirsaday, taas oo markii horena ka dhalatay dil loo gaystay nin ka mid ahaa dadka deegaanka, keentayna in beeluhu ay dad kale iska dilaan, isla-markaana ay si toos ah ugu wada dagaalamaan magaalada.

Siyaasiyiinta beelaha oo lagu eedeeyay inay hurinayaan colaadda ayaa qaarkood su’aalo ka keenay qaab dhismeedka Maamulka Degmada Diinsoor, iyagoona saluug ka muujiyay hannaanka awood qaybsiga beelaha ee maamulkaasi uu ku dhisan yahay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc