Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Colombia oo sheegay in ay suurtagal tahay in xiriirka u jaraan Israel

Madaxweynaha Colombia oo sheegay in ay suurtagal tahay in xiriirka u jaraan Israel

by Laacib

Madaxweynaha Colombia, Gustavo Petro ayaa mar kale cambaareeyay dembiyada dagaal ee Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza.

Madaxweynaha ayaa sheegay in istiraatiijiyadda ah in dad rayid ah la laayo, si argagixiso loola dagaalamayo ay mar kasta guuldarro ku soo dhammaato.

Isagoo Jimcihii Magaalada Washington kaga qaybgelayay shir madaxeedka isbahaysiga dhaqaalaha ee dalalka America ayaa sheegay in Madaxweyne Joe Biden uu la wadaagay walaaciisa ku aaddan ciqaab wadareedka Israel ee dadka Gaza.

“Waxaan ku wargeliyay Madaxweyne Biden inaanan la aqbalin karin inuu sii socdo xasuuqa ka socda Falastiin.” Ayuu yiri Madaxweynaha Colombia.

Madaxweynaha ayaa yiri “Jebinta shuruucda caalamiga ah ee aan maanta arkayno waa mid dhibaatada u sii kordhineysa, waxayna abuureysaa cawaaqib iyo dimoqraadiyadda oo burburta.”

Madaxweynaha ayaa Israel uga digay dhiigga ay gacmaha kula jirto, isla-markaana uusan dalkiisu taageerin gumaadka dadka aan waxba galabsan.

Gustavo Petro, Madaxweynaha Colombia ayaa 31-kii bishii October u yeeray Danjiraha dalkiisa u fadhiya Israel.

“Haddii Israel ay joojin weydo xasuuqa ay ku hayso shacabka Falastiiniyiinta, ma sii joogi karno halkaasi.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Gustavo ayaa bartiisa X (Twitter) ku sheegay in ay suurtagal tahay in dalkiisu uu xiriirka diblomaasiyadeed u jaro Israel.

Colombia ayaa qorsheynaysa in ay Safaarad ka furato Magaalada Ramallah ee Xarunta Maamulka Falastiiniyiinta. Ramallah ayaa ku taala Daanta Galbeed ee la haysto.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc