Home Wararka Maanta Madaxweynaha DF oo gaaray Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan

Madaxweynaha DF oo gaaray Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan

by Laacib

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Wafdiga Madaxweynaha oo diyaarad helicopter ah ka raacay Magaalada Dhuusamareeb ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu halkaasi kulamo kula leeyahay Saraakiisa Ciidamada, siyaasiyiinta deegaanka iyo qaybaha kale ee bulshada.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu dhowr cisho joogi doono degmadaasi, haddii aanu qorshihiisu waxba iska bedelin.

Maxaas ayaa mar kale la doonaya in laga diro ciidamada, si ay dib ugu laabtaan Magaalada Ceelbuur iyo deegaanada Dac & Wabxo, oo dhowr cisho ka hor ay soo banneeyeen.

Ku dhawaad laba kun oo askari oo isugu jira Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa la sheegaya in ay hadda ku diyaarsan yihiin Degmada Maxaas, kuwaa oo la filayo in ay la hawlgalaan ciidamadii ka baxay Magaalada Dhuusamareeb ee jihada bari ka kulaalayay Ceelbuur.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuulaya, sidii uu u guuleysan lahaa dagaalkan ay dowladdiisu ku wiiqeyso Al Shabaab.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc