Home Wararka Maanta Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo dalka Jabuuti kula kulmaya Muuse Biixi

Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo dalka Jabuuti kula kulmaya Muuse Biixi

by Laacib

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Djibouti ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Villa Somalia ayaa sheegtay in wafdiga Madaxweynaha ay dalkaasi u taggayaan, sidii loo ambaqaadi lahaa wada hadalada Dowladda Federaalka iyo Somaliland.

“Ujeedka socdaalka Madaxweynaha ayaa ah in la sii ambaqaado dadaalka wada hadalka u dhaxeeya DFS & Somaliland iyo xallinta colaadaha dalka ka aloosan.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.

Warka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha safarkan ay safarkan ku wehlinayaan xubno ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha, Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Ganacsiga, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed, Ergayga Madaxweynaha U Qaabilsan Arrimaha Somaliland.

“Dowladda aanu walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa martigelinaysa dadaaladan socda, iyadoo dhanka Somaliland uu wada hadalka uga qaybgelayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.” Ayaa lagu yiri warka Villa Somalia.

Guuleed ayaa billihii ugu dambeeyay waday kulamo uu taageero heer caalami ah ugu raadinayo, sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadaladii Dowladda Federaalka iyo Somaliland.

Somaliland ayaa sanadkii 1991-kii sheegtay in ay dib gooni isu taageeda uga la soo laabatay Somaliya, ka gadaal markii ay burburtay Dowladdii Dhexe.

Somaliland ayaa xilligaasi si iskeed ah ugu dhawaaqday madaxbannaani, ha yeeshee Dowladda Federaalka ayaa u aragto qayb ka mida Somaliya.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc