Home Wararka Maanta Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo gaaray Degmada Aadan Yabaal (SAWIRRO)

Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo gaaray Degmada Aadan Yabaal (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa u kuurgelaya xaaladda Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee ka qayb qaadanaya hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.

“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo Aadan Yabaal kala hadlaya Saraakiisha Ciidamada Qaranka, kuwa difaaca shacabka, masuuliyiinta iyo bulshada deegaanka, sidii ay u laba laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka dhanka argagixisada.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu sii socon doono dagaalka dalka looga ciribtirayo kooxaha argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa degmadaasi ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow iyo Saraakiil kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo Axaddii ku sugnaa Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa juhdi badani ku bixinaya, sidii dowladdiisu ay kaga adkaan lahayd maleeshiyada Shabaabka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc