Home Wararka Maanta Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo ka hadlay dagaalka dalka ka bilaabanaya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo ka hadlay dagaalka dalka ka bilaabanaya

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in mar dhow uu dalka ka bilaabanayo wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweynaha oo xalay ka hadlayay munaasabadda 17 sano guurada ee aasaaska Galmudug, oo uu kaga qaybgalay Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in wejigii hore ee hawlgalka maleeshiyadaasi lagaga xoreeyay inta badan degmooyinkii iyo deegaanadii ay ka haysteen Dowlad Goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug.

Waxa uu sheegay in hawlgalka haatan ka bilaabanaya Gobolada Dhexe uu yahay mid kooxaha argagixisada looga sifeynayo dhulka ay kaga harsan yihiin goboladaasi.

“Wejigii hore ee dagaalka labada Dowlad Goboleed ee Hirshabelle iyo Galmudug ayuu ahaa, degmooyinka Hirshabelle dhammaan waa ka xoroobeen Shabaab, waana ka xor, dagaalka lagu xoreeyayna dadka reer Galmudug qayb bay ka ahaayeen oo waa ka qayb qaateen, Hirshabelle tuulooyinaa laga yaabaa weli inay meelaha qaarkood kaga harsan yihiin, ayaduna sidoo kale ayay u taagan tahay inay ka qayb qaadato dhameystirka Khawaarijta ee meelaha yar ay kaga hareyn Dowlad Goboleedka Galmudug, oo mar dhow Insha’Allah soo dhammaan doonto.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dhanka kale Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa sheegay in si loo dardargeliyo hawlgalka uu degi doono Magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo.

“Sida aan caawa Dhuusamareeb u joogo ayaan u joogi doonnaa Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ee Koonfur Galbeed iyo Magaalada Kismaayo, oo iyadana ah Caasimadda KMG ee Jubbaland, annagoo rajeynayno in labadaasi dowlad goboleed ay si dhakhsiya badan caasimadahoodii rasmiga ahaa ay ugu guuraan oo maamulkooda ay halkaasi geeyaan, marka ay iska xoreeyaan Khawaarijta, haddii Alle yiraahdo.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha oo khudbaddiisu ay meelo badan taabaneysay ayaa odayaasha beelaha ugu baaqay inay ka feejignaadaan dhagarta argagixisada, ay isaga horkeeneyso qabaa’iada, muddada uu hawlgalku socdo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ganacsatada uga digay inay dhaqaale siiyaan maleeshiyada Shabaabka, waxaana uu sheegay in kuwa lacagaha siiya Shabaab, ay qayb ka yihiin dhibaatooyinka ay dalka ka wadaan.

Dowladda Federaalka ayaa dooneysa in Shabaabka ay u wiiqdo militari & dhaqaale ahaan iyo welibana inay kala dagaalanto xagga afkaaraha xagjirnimada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc