Home Wararka Maanta Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo ku laabtay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo ku laabtay Dhuusamareeb

by Laacib

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ugu sarreyay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor). Madaxweynaha ayaa markii dambe loo gelbiyay halka uu muddooyinkii ugu dambeysay ka deganaa Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Madaxweynaha oo 8-dii bishan ka ambabaxay Galmudug ayaa u safray dalka Eritrea, isagoo markaasi ku howlanaa dib u soo celinta ciidamadii tababarka u joogay dalkaasi.

Madaxweynaha oo maalmo ka dib uga sii gudbay dhanka Magaalada Muqdisho ayaa Arbacadii gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, oo maalintii xigtayna uu uga sii gudbay Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Socdaalka Madaxweynaha ee Koonfur Galbeed ayaa la xiriiray dardargelinta hawlgalka militari ee lagu wado in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ay ka bilaabaan saddexda gobol ee maamulkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haatan dib ugu laabtay Dhuusamareeb, si uu uga sii ambaqaado gulufka dagaal ee lagu doonayo in lagu soo afjaro joogitaankii maleeshiyada Al Shabaab ee Gobolada Dhexe.

Hawlgalkan ayaa macno badan u leh dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, oo la eegayo waxa ka qaban doonto xaaladda amni ee dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc