Home Wararka Maanta Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo la kulmay Saraakiil ka tirsan Militariga Turkiga

Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo la kulmay Saraakiil ka tirsan Militariga Turkiga

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistan Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay khubaro militari oo ka socda dalkaasi Turkiga.

Madaxweynaha ayaa Turkiga uga mahadceliyay doorka ay ka qaadanayaan dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka iyo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga dhanka militariga ee labada dal, muhiimadda taageerada Turkiga ee hawlgalka dib-u-xoreynta iyo qorshaha tababarada Ciidamada Qalabka Sida ee ay leyliyaan Militiriga Turkiga.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Turkiga ee Somaliya, Danjire Ibrahim Mete Yagli.

Turkiga ayaa lagu tilmaamaa saaxiibka ugu weyn ee ay maanta Somaliya leedahay, iyadoo uu ka taageero arrimaha amniga, dib-u-dhiska ciidamada & tayayntooda, xoojinta dowladnimada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Turkiga ayaa Magaalada Muqdisho ku leh saldhiggiisa ugu weyn ee uu ku leeyahay meel ka baxsan dalkiisa, waana Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Turksom oo ku yaala duleedka Muqdisho.

Saldhiggan oo Saraakiisha Turkiga ay ku tababaraan Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka ayaa sanad kasta soo saara Saraakiil, Saraakiil Xigeeno iyo ciidan door muhiim ah ka qaata hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.

Militariga Turkiga ee ka hawlgala dalka ayaa sidoo kale Dowladda Soomaaliyeed ka taageera hawlgalka dhinaca cirka ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc