Home Wararka Maanta Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo mar kale la kulmay Garaadada SSC

Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo mar kale la kulmay Garaadada SSC

by Laacib

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdigii Garaadada Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, ee uu hoggaaminayay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ee 28-kii bishii May soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Wafdiga Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa ka jawaabayay martiqaadkii Madaxweynaha, si wada hadal nabadeed looga dhex bilaabo Somaliland iyo dadka reer Sool, oo dhowrkii bilood ee ugu dambeysay ku dagaalamayay Magaalada Laascaanood.

Madaxweynaha oo uu wehliyo Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa casho sharaf ku maamuusay Isimada Dhaqanka ee goboladaaasi, oo maalmahaan ku sugnaa Muqdisho, si ay xaaladda deegaanka ula wadaagaan madaxda heer federaal.

Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay bayaankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, ee uu Arbacadii ka soo saaray xaaladda Magaalada Laascaanood.

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in fursad la siiyo gurmadka iyo gargaarka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka deegaanku, lana abuuro jewi ku habboon waan-waanta iyo xalka nabadda.

Madxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay baaqii dowladda ee ku wajahnaa dhinacyada ku lugta leh xiisadda Laascaanood, kaas oo salku ku hayay in xal aan xabad ahayn lagu wajaho, Dowladda Federaalkana ay ka go’an tahay in ay qaadato doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada xaajoodka, si loo joojiyo colaaddaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc