Home Wararka Maanta Madaxweynaha DF oo laba qodob kala hadlay Taliska Ciidanka ATMIS

Madaxweynaha DF oo laba qodob kala hadlay Taliska Ciidanka ATMIS

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Madaxda Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS.

Madaxweynaha ayaa qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee dalka ahna Madaxa Ciidanka Nabad Ilaalinta ee Hawlgalka ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef iyo Taliyaha Ciidanka ATMIS, General Sam Okiding.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay hawlgalka ballaaran ee Dowladda Federaalka dalka kaga saareyso maleeshiyada Al Shabaab, sida lagu sheegay warka xalay ka soo baxay Taliska ATMIS.

Warka ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay sidoo kale ka wada hadleen wejiga labaad ee qorshaha lagu dhimayo tirada Ciidanka ATMIS iyo halka ay mareyso qiimeynta farsamada ee wadajirka ah, iyadoo laga duulayo qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee tirsigiisu yahay 2687.

“Waxaan ka hadalnay hawlgalada socda, waxayna ahayd fursad wanaagsan anigoo ku hadlaya magaca Midowga Afrika inaan ugu hambalyeyno Madaxweynaha iyo Dowladda Federaalka hawlgaladii ugu dambeeyay iyo guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.” Ayuu yiri Danjire Souef.

Danjire Souef ayaa sheegay inay meel wanaagsan mareyso qorshaha dhimista ee ciidamada, bisha soo socoto ee September-na ay samayn doonaan qorshe kale oo dhimis ah.

“Arrimuhu waxay u socdaan si habsami leh, waxaana rajeynaynaa in dhammaadka September la sameeyo wareegga labaad ee yareynta ciidamada, taageero buuxda ayaanu ka haysanaa Madaxweynaha.” Ayuu yiri Souef.

Taliska ATMIS ayaa daba-yaaqadii bishii June dalka ka saaray qaybtii koowaad ee ciidamada, waxaana wareegga labaad ee dhimista la samayn doonnaa bisha September, markaas oo saddex kun oo askari dalka laga saarayo.

Wareegga saddexaad ee dhimista ayaa la samayn doonnaa bisha June ee sanadka 2024, waxaana xigi doona wejigii ugu dambeeyay ee ka bixitaankooda dalka, oo la samayn doono 31-ka bisha December ee sanadkaasi.

Illaa iyo hadda Ciidanka ATMIS ayaa banneeyay toddobo saldhig, oo ay la wareegeen Ciidanka Xoogga Dalka, tani oo bilow u ah qorshaha ay ciidamadu kula wareegayaan amniga dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa kulanka ku welinayay xubno uu ka mid yahay Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc