Home Wararka Maanta Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo qaatay kaarka aqoonsiga dadweynaha

Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo qaatay kaarka aqoonsiga dadweynaha

by Laacib

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaatay kaarka aqoonsiga dadweynaha ee National ID.

Madaxweynaha oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa qaatay kaarka aqoonsiga, isagoona maray shuruudaha laga doonayo muwaadiniinta qaadaneysa kaarkaasi.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay qaataan kaarka aqoonsiga ee maanta la daahfuray.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aqoonsigu uu muhiimad u leeyahay xoojinta amniga, sare u qaadidda maamul wanaagga dowliga ah iyo ganacsiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyay in aqoonsi la’aanta ay dhibaato badan ku haysay dadka Soomaaliyeed, haatan wixii ka dambeysana ay yaraan doonaan dhibaatadii dadka ka haysatay aqoonsi la’aantaasi.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Magaalada Muqdisho ka daahfuray nidaamka bixinta kaararka aqoonsiga iyo diiwaangelinta dadweynaha.

Munaasabadda daahfurka ee habka bixinta kaararka aqoonsiga dadweynaha ayaa ku soo aadaysa, iyadoo maanta dunida laga xusayo maalinta caalamiga ee aqoonsiga dadweynaha.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc