Home Wararka Caalamka Madaxweynaha Faransiiska oo la kulmay Madaxda Israel (SAWIRRO)

Madaxweynaha Faransiiska oo la kulmay Madaxda Israel (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa maanta ka degay Magaalada Jerusalem, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Israel, Isaac Herzog iyo Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu.

Booqashada Madaxweynaha Faransiiska uu halkaasi ku tegay ayaa la xiriirta taageerada dalkiisa dagaalkan ay Israel kula jirto Ururka Xamaas.

Geba-gabadii kulan ay labada dhinac ku yeesheen Jerusalem, shir jaraa’id oo si wadajir ah ay u qabteen Madaxweyne Macron iyo Raysal Wasaare Netanyahu ayuu Macron ku baaqay in isbahaysiga caalamiga ee dagaalka kula jira Daacishta Iraq iyo Syria la ballaariyo, isla-markaana ay isbahaysigu ka qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah Xamaas.

“Faransiiska iyo Israel waxay wadaagaan cadow guud, kaas oo ku riixaya inay ka adkaadaan kooxaha argagixisada.” Ayuu yiri Madaxweyne Macron.

Waxa kaloo uu yiri “Faransiisku waxa uu diyaar u yahay isbahaysigeenna caalamiga ah ee Daacish kula dagaalamaya Iraq iyo Syria in hawlgalkiisa la ballaariyo, si ayna ula dagaalano Xamaas.”

Socdaalka Macron ee Bariga Dhexe ayaa imaanaya, xilli Israel ay toddobaadkii 3aad sii waddo duqaymaha baahsan ay ka gaysaneyso Marinka Gaza.

Duqaymaha naxariis darada ee Israel ka waddo Gaza ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay in ka badan 5,790 qof oo rayid ah, halka in ka badan shan iyo toban kun oo kalena ay ku dhaawacmeen.

24-kii saac ee ugu dambeysay oo keliya ayaa duqaymaha Israel waxaa ku dhintay 704 qof, oo ay ku jiraan 305 carruur ah iyo 173 haween ah.

Fal dembiyeedyada sii kordhaya ee Israel ka gaysaneyso Gaza ayaa waxaa sida muuqata aan jirin cid kula xisaabtameysa, iyadoona Hoggaamiyeyaasha Galbeedku ay bogaadinayaan falcelinteeda, ka dib weerarkii Xamaas ay 7-dii bishan ka gaysatay dhulka la haysto.

Macron ayaa noqonaya hoggaamiyihii ugu dambeeyay ee Reer Galbeedka ee booqda Israel, waxaana horey u booqday dhiiggiisa Mareykanka, Ingiriiska, Jarmalka, Tanyaaniga iyo kuwa kale.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc