Home Wararka Maanta Madaxweynaha Galmudug oo si diiran loogu soo dhaweeyay Kismaayo (SAWIRRO)

Madaxweynaha Galmudug oo si diiran loogu soo dhaweeyay Kismaayo (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee Jubbaland.

Wafdiga Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweyne Kuxigeenka 2aad ee Jubbaland, Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud (Luga-dheere), Golaha Wasiirada, Xildhibaanada Baarlamaanka, Saraakiisha Ciidamada Qalabka, Odayaasha Dhaqanka, dhallinyarada iyo haweenka deegaanka.

Madaxweynaha Galmudug ayaa horudhac u ah safaro kale oo la fillayo in magaaladaasi ay ku taggaan Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxda Dowlad Goboleedyada ay Kismaayo kaga qaybgelayaan shir wadatashi ah, oo ay halkaasi ku yeelanayaan Hoggaamiyeyaasha Dowlad Goboleedyada.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in shirka looga hadli doono xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha amniga.

Ciidamada amniga ayaa si weyn u adkeeyay ammaanka Magaalada Kismaayo, iyadoona waddooyinka waaweyn ee magaaladaasi lagu arkayo ciidamo fara-badan oo sugaya amniga.

Ciidamada ayaa sidoo kale xiray waddooyinka muhiimka ah ee gala Xarunta Madaxtooyada iyo Garoonka Diyaaradaha.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc