Home Wararka Maanta Madaxweynaha Hirshabelle oo la kulmay xoogag loo diyaariyay hawlgalka (SAWIRRO)

Madaxweynaha Hirshabelle oo la kulmay xoogag loo diyaariyay hawlgalka (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa Jimcihii la kulmay ciidan cusub, oo ka mid noqonaya Xoogaga Difaaca Shacabka, kuwaa oo lagu diyaariyay deegaanka Qurac Madoobe ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Madaxweynaha oo ka hor hadlayay xoogagaasi ayaa ku amaanay in ay u soo baxeen, isla-markaana ay u diyaargaroobeen dagaalka la doonayo in mintidiinka lagaga kiciyo dhulka maqan ee gobolka.

Madaxweynaha oo in muddo ahba ku sugan furimaha hore ayaa gadaal ka riixaya qorshaha lagu xoreynayo deegaanada ay Shabaabku ka arrimiyaan.

Qurac Madoobe oo hoostagta Degmada Mahadaay ayaa muddooyinkii ugu dambeysay lagu abaabulayay dadka deegaanka, si ay uga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah Shabaabka.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, Korneyl Dayax Cabdi Cabdulle oo Khamiistii ciidamada kula hadlayay deegaankaasi ayaa kula dardaarmay in ay dalka ka xoreeyaan kooxaha argagixisada.

Taliyaha ayaa ballanqaaday in Xoogaga Difaaca Shacabka ay heli doonaan waxyaabaha ay uga baahan yihiin qaranka, iyana laga doonayo in dalka difaaciisa ay u istaaggaan.

Labada gobol ee Hirshabelle ayaa waxaa ka socdo abaabul iyo diyaargarow ciidan, kaas oo yoolku yahay in Shabaabka lagaga saaro daanta galbeed ee Webiga Shabelle.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa leh dardargelinta hawlgalka militari ee Gobolka Shabellaha Dhexe, halka Cali Jeyte Cismaan uu hoggaaminayo gulufka dagaal ee lagu xoreynayo Gobolka Hiiraan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc