Home Wararka Maanta Madaxweynaha Hirshabelle oo saldhig ka sameystay furimaha hore, si dagaalka u dardargeliyo

Madaxweynaha Hirshabelle oo saldhig ka sameystay furimaha hore, si dagaalka u dardargeliyo

by Laacib

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo maalmihii ugu dambeysay socdaal ku marayay deegaanada Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii kormeeray furimaha hore ee dagaalka.

Madaxweynaha ayaa booqday fariisimaha ay ciidamada ku leeyihiin meel ku dhow xadka Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Galgaduud, isagoona u kuurgelayay xaaladda ciidamada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in kormeerkiisan furimaha dagaalka uu la xiriiro, si ay u dhiirigeliyaan ciidamada, una abaabulaan bulshada deegaanka ee la doonayo in gacan ka gaystaan dagaalka dalka looga saarayo maleeshiyada Al Shabaab.

“Haddii Ilaahay raali ka noqdo, waa la sii wadayaa hawlgalka, Khawaarijtuna xaqiiqdii waxay joogtaa rafashadii ugu dambeysay ee hala kula sii dhawaado, deegaanadii la xoreeyayna si wanaagsan ayay uga socotaa xasillintu, inta dhimana waa la xoreynayaa.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha oo la hadlayay ciidamada ayaa yiri “Ujeedka aan u nimid furimaha dagaalka waxay ahayd inaan abaabulno dadka deegaanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan, isla-markaana aan uga mahadcelino dadaalka iyo qaybtii libaaxa lahayd ay ka qaateen xoreynta deegaanadan baaxadda leh. Ciidamada geesiyaasha ee deegaanadan xoreeyayna inaan dhiirigelino ayuu qorshaheenu ahaa, haddii Ilaahay raali ka noqdo guud ahaan dalka waa laga ciribtiraya cadowga, waana soconaya hawlgalku, cid kasta oo gacan ka gaysatayna waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin. Nimanku waa liiceen, geedku waa dhacyayee aan dhameystirno.”

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa saldhig ka sameystay deegaanada Cadcadey iyo Caddaanlaxey, oo hoostagga Degmada Ruunirgood. Deegaanadan ayaa ka mid ah deegaanada gobolkaasi ee wejigii hore ee hawlgalka laga saaray maleeshiyada Shabaabka.

Diyaargarowga ciidan ee haatan ka jira Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa la xiriira, sidii Shabaabka looga kicin lahaa galbeedka gobolkaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee la abaabulayo ayay tahay in ay xoreeyaan deegaanada istiraatiijiga ah ee Jiliyaale (Jameeca Jiliyaale), Gamboole iyo deegaanada kale, ee ay Shabaabku kaga harsan yihiin daanta galbeed ee Webiga Shabelle.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc